Manchester United oo 4-1 ku garaacday Newcastle United, Cristiano Ronaldo oo labo Mar Shabaqa soo taabtay, iyo waliba Shaxda Kulanka

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa hoggaanka u qabatay horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League kaddib markii ay Old Trafford ku garaacday Old Trafford, kulan uu wacdaro dhigay Cristiano Ronaldo oo laba gool dhaliyey.

Manchester United oo garoonkeeda ku qaabbishay Newcastle United ayaa waxay gaadhay guul 4-1 ah, waxaana laba ka mid ah goolasha dhaliyey Ronaldo halka uu midka saddexaadna ku daray Bruno Fernandes oo kubbad gantaal ah ku hubsaday shabaqa.

Daqiiqaddii 45aad ee dhamaadka qaybta hore ayay Manchester United hoggaanka u qabatay ciyaarta, waxaana goolasha u furay Cristiano Ronaldo oo kubbad uu soo tufay goolhaye Freddie Woodman ku hubsaday shabaqa.

Newcastle United ayaa qaybta labaad waxay keentay goolka babarraha oo uu u dhaliyey Javier Manquillo, laakiin afar daqiiqadood kaddib oo ahayd daqiiqaddii 60aad ayuu Cristiano Ronaldo mar kale hoggaanka u dhiibay Manchester United isagoo kubbad uu ka helay Luke Shaw la galay xerada ganaaxa kaddibna lugta bidix ku toogtay, taas oo uu goolhayaha Newcastle qaban kari waayey iyadoo hoostiisa ka baxday.

Toban daqiiqadood markii ay ka hadhsanaayeen dhamaadka ciyaarta ayay Manchester United si dhab ah u xaqiiqsatay guusha kulanka iyagoo gaadhay goolal ay adag tahay in laga daba yimaaddo.

Bruno Fernandes ayaa kubbad uu ka helay meel ka baxday xerada ganaaxa waxa uu ku toogtay goolka Newcastle United waxaana iyadoo aanu goolhaye Freddie Woodmann is-dhaqaajinin ay gashay goolka, sidaas ayaanay Red Devils ku heshay guul raaxo leh iyo bandhig heersare ahaa oo ay muujiyeen.

Cristiano Ronaldo ayaa qaybtii hore waxa uu ku dhowaaday dhaliyo gool kale isagoo kubbad uu kala soo galay dhinaca bidix shabaqa kaga dhuftay dhinaca dibedda, halka kubbado kale oo uu helay oo uu ku toogtayna ay difaaca Newcastle isku dhigeen.

Waqtigii dheeraadka ahaa ee lagu daray ciyaarta ayaa waxa Manchester United gool afraad u dhaliyey Jesse Lingard oo beddel kusoo galay, kaas oo kubbad uu Pogba ugu keenay xerada ganaaxa dhinaca ka dhigay goolhayaha.

Red Devils ayaa awoodi karaysay inay goolal kale la timaaddo, halka Newcastle laga haystay khadka dhexe oo ay Manchester United ku xoogganayd.

Manchester United ayaa yeelatay 10 dhibcood, waxaanay hoggaanka u qabatay horyaalka Premier League iyadoo min hal dhibic ka horreysa Tottenham oo ay Crystal Palace ka badisay waqti hore oo maanta ah iyo Man City oo gool madi ah ku dhaaftay Leicester City.

Shaxda Kulanka ee labada Kooxda

Man Utd XI: Ronaldo, Matic, De Gea, Varane, Pogba, Maguire, Shaw, Bruno Fernandes, Sancho, Wan-Bissaka, Greenwood

Subs: Heaton, Mata, Lindelof, Fred, Martial, Lingard, Bailly, Van de Beek, Dalot

Newcastle XI: Ritchie, Clark, Lascelles, Hayden, Manquillo, Almiron, F. Woodman, Saint-Maximin, Joelinton, S. Longstaff, Willock

Subs: F. Fernandez, Schar, Darlow, Hendrick, Krafth, Gayle, J.Murphy, Lewis, J. White

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: warkii.com