Manchester City Oo Xasuuq U Geysatay Watford, Niyadjabkii Arsenal Oo Ay Iskaga Reebeen Iyo Sterling Oo Shabaqa La Saaxiibay

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Advertisements

Manchester City ayaa xasuuqday kooxda dhibaatada ku jirta ee Watford oo ay garoonkooda ku booqatay, waxaanay kusoo garaacday 4-0.

Kooxda tababare Pep Guardiola oo Sabtidii ay Arsenal 2-0 kusoo garaacday, kana soo reebtay tartanka FA Cup oo wareegga semi-finalka marayay ayaa waxay cadhadii guul-darrada kulankaas kula dhacday Watford oo ay ugu tagtay Vicarage Road Stadium.

Laba gool oo Raheem Sterling u dhaliyey iyo laba gool oo kale oo ay raaciyeen Phil Foden iyo Aymeric Laporte ayaa Manchester City siiyey guusha.

Advertisements

Qaybtii hore ayay City la timid laba gool oo uu u dhaliyey weeraryahanka reer England ee Raheem Sterling, laakiin qaybtii dambe ayay Citizens wax fursad ah siin weyday kooxda garoonkeeda joogta, waxaanay ugu sii dartay laba gool oo kale oo ay Foden iyo Lapote raaciyeen, waxaanay ciyaartu kusoo dhamaatay 4-0.

Watford ayay guul-darradani halis weyn gelinaysaa mustaqbalkooda, waxaanay halis ugu jiraan inay ku laabtaan heerka labaad haddii ay Aston Villa soo guuleysato ciyaarta ay Arsenal ku waajahayso ama kulanka xiga oo ay Hornets guul-darradan kaga soo kaban weydo ciyaarta xigta.

Shaxdii labada kooxood

MANCHESTER CITY XI (4-3-3): Ederson; Kyle Walker, Eric Garcia, Aymeric Laporte, Joao Cancelo; Kevin De Bruyne, Rodrigo, Phil Foden; Bernardo Silva, Gabriel Jesus, Raheem Sterling.

Kaydka: Ilkay Gundogan, Fernandinho, Oleksandr Zinchenko, John Stones, Scott Carson, Nicolas Otamendi, David Silva, Riyad Mahrez, Benjamin Mendy.

WATFORD STARTING XI (4-3-3): Ben Foster; Adrian Mariappa, Christian Kabasele, Craig Dawson, Kiko Femenia; Tom Cleverley, Abdoulaye Doucoure, Will Hughes; Ismaila Sarr, Troy Deeney, Roberto Pereyra.

Kaydka: Danny Welbeck, Jaoa Pedro, Craig Cathcart, Ignacio Pussetto, Heurelho Gomes, Andre Gray, Domingos Quina, Nathaniel Chalobah, Adam Masina.

Pep Guardiola ayaa afar beddel ku sameeyey safkii uu Sabtidii kula ciyaaray Arsenal semi-finalka FA Cup, waxaanu keenay Cancelo, Rodri, Foden iyo Bernardo Silva, halka uu fadhiyey Mendy, Mahrez, David Silva iyo Gundogan.

Fursaddii ugu horreysay ee gool u dhowayd, waxa samaysay Manchester City daqiiqaddii 11aad, waxaana kubad la galay xerada ganaax laacibka reer Spain ee Rodri, waxaanu gantaal ku liishaamay goolka, hase yeeshee Christian Kabasele ayay kusii dhacday ka hor intii aanu Foster dedaal u gelin sidii uu kubadda uga qaban lahaa goolkiisa.

Manchester City oo ciyaarta iska maamulanaysay ayaa samaysay dhawr fursadood oo kale oo goolal ku dhowaaday, laakiin Foster oo ka warqabay khatarta laacibiinta afka hore ee City oo xiddigaha khadka dhexena daba socdaan ayaa u kaashaday difaaciisa si uu goolkiisa uga ilaashado illaa laga gaadhayay daqiiqaddii 30aad.

Raheem Sterling ayaa Manchester City goolka koowaad u dhaliyey daqiiqaddii 31aad, waxaana jaanis siiyey Hughes oo kubadda la waayey, waxaanu taabashadii ugu horreysayba si fiican u maamulay kubadda ka  hor intii aanu koornaha bidix kaga hubsan shabaqa. Wax fursad ah muu siinin goolhaye Foster.

Toban daqiiqadood kaddib goolka ayaa Manchester City loo dhigay rikoodhe markii uu Kabasele qalad ku galay Sterling, waxaana rikoodhahaas laagtay Sterling oo ka boobay De Bruyne, hase yeeshee goolhaye Foster ayaa kubadda iska soo celiyey.

GOOOAAALLL!!!! Watford 0-2 Manchester City – Raheem Sterling ayaa ciyaarta ka dhigay 2-0, waxaanu goolka ku celiyey kubaddii rikoodhaha ahayd ee uu iska soo tufay goolhaye Ben Foster.

Qaybtii labaad ayey Man City mar kale qaab ciyaareedkeeda cajiibka ah halkeeda kasii wadatay, halka Watford ay ahayd mid aan waxba iska dhicin karayn oo khadka dhexe laga qabsaday, sidoo kalena difaaceedu la khalkhaleen weerarka daadka ah ee Manchester City.

Phil Foden ayaa gool saddexaad u dhaliyey Manchester City daqiiqaddii 63aad waxaana saddex daqiiqadood kaddib gool afraad raaciyey Aymeric Laporte. Ciyaartuna waxay kusoo dhamaatay 4-0.

Advertisements
Advertisements

Laacib.net

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII