Manchester City oo laga diiday dalab dhan 60 milyan oo ku aadan Dusan Vlahovic xagaagan

Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay dalab 60 milyan oo ginni ah ka gudbisay weeraryahanka Fiorentina Dusan Vlahovic suuqii ugu dambeeyay.

21 jirkaan ayaa lala xiriirinayay kooxaha City, Arsenal, Tottenham Hotspur iyo Inter Milan xagaagii, laakiin Fiorentina ayaa ku guuleysatay inay sii haysato weeraryahanka aadka loo qiimeeyo.

Ka dib markii ay meesha ka baxday rajadii City ee saxiixa Harry Kane intii lagu jiray suuqii ugu dambeeyay, kooxda Pep Guardiola ayaa loo malaynayaa inay dareenkooda u weecisay Vlahovic, laakiin dadaalkooda ma uusan midho dhalin.

Sida laga soo xigtay Gazzetta dello Sport , City ayaa Fiorentina u soo bandhigtay 60 milyan oo ginni oo ay ku jirto waxyaalo lagu daray adeegyada Vlahovic, laakiin milkiilaha Fiorentina Rocco Commisso ayaa xaqiijiyay in xiddiga reer Serbia uusan iib ahayn.

Warbixinta ayaa intaas ku dartay in Vlahovic uu wacad ku maray inuu daacad u noqon doono Fiorentina xilli ciyaareedka 2021-22, laakiin La Viola uma badna inuu sii hayn doono adeegiisa wixii ka dambeeya xagaaga soo aaddan, iyadoo qandaraaskiisa hadda uu dhacayo 2023.

Vlahovic ayaa dhaliyay 21 gool 37 kulan oo Serie A ah xilli ciyaareedkii hore wuxuuna durba ku faanayaa seddex gool seddex kulan oo tartamada oo dhan ah xilli ciyaareedkan.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Source: warkii.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here