Manchester City Oo Guul Cidhiidhi Ah Ka Gaadhay Bournemouth, Naxdintii Guardiola Ee Daqiiqadihii Ugu Dambeeyey Iyo Silva Oo Rikoodh Dhigay

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Advertisements

Manchester City ayaa guushii saddexaad oo xidhiidh ah gacanta ku dhigtay kaddib kulan ay Southampton si lama filaan ah uga naxsatay, waxaanay garoonkooda Etihad ku karbaasheen Bournemouth oo ay ku garaaceen 2-1.

Sky Blues oo labadii ciyaarood ee hore min 5-0 kusoo garaacday Newcastle iyo Brighton ayaa garoonkeeda kusoo dhoweysay Bournemouth, waxaana daqiiqaddii lixaad goolka koowaad u dhaliyey David Silva iyadoo mid labaadna uu dhamaadka qaybta hore oo ay lix daqiiqadood kadhanayd u raaciyey weeraryahanka reer Brazil ee Gabriel Jesus.

Qaybtii labaad ayay Bournemouth soo noolaatay waxaana ciyaarta oo ay laba daqiiqadood ka dhiman yihiin gool u dhaliyey David Brooks, hase yeeshee waxa kale oo ay ku dhowaadeen daqiiqadihii dheeraadka ahaa ee lagu daray inay dhaliyaan goolka barbarraha.

Advertisements

Shaxdii labada kooxood

MANCHESTER CITY (4-3-3): Ederson; Kyle Walker, John Stones, Nicolas Otamendi, Benjamin Mendy; Ilkay Gundogan, Fernandinho, David Silva; Bernardo Silva, Gabriel Jesus, Phil Foden.

Kaydka: Raheem Sterling, Oleksandr Zinchenko, Aymeric Laporte, Rodri, Kevin De Bruyne, Riyad Mahrez, Scott Carson, Eric Garcia, Tommy Doyle.

BOURNEwarkii.comUTH (4-5-1): Aaron Ramsdale; Jack Stacey, Steve Cook, Lloyd Kelly, Diego Rico; Junior Stanislas, Dan Gosling, Jefferson Lerma, Philip Billing, Joshua King; Dominic Solanke.

Kaydka: Artur Boruc, Andrew Surman, Callum Wilson, Arnaut Danjuma Groeneveld, Lewis Cook, David Brooks, Harry Wilson, Jack Simpson, Sam Surridge.

Man City oo ay ka muuqatay farxadda ganaaxii Champions League ee laga qaaday ayuu tababare Pep Guardiola lix beddel ku sameeyey safkiisii uu kula ciyaaray Brighton, waxaanu kaydka dhigay De Bruyne, Rodri, Mahrez, Laporte iyo Garcia, isaga oo soo qaddimay Foden, Gundogan, Fernandinho, David Silva, Stones iyo Otamendi.

Sababta uu isbeddelka intan le’eg ugu sameeyey shaxdiisa ayaa ah inuu kasii fikirayo ciyaarta semi-finalka FA Cup ee ay Arsenal la ciyaari doonaan Sabtida soo aaddan.

Ciyaartoyda City ayaan wax badan sugin inay shabaqa Bournemouth soo taabtaan, waxaana daqiiqaddii lixaad goolka koowaad u dhaliyey kabtankooda David Silva oo laag xor ah si toos ah shabaqa ugu hubsaday.

Citizens oo kubadda inta badan lugteeda ku haysay ayaa samaysay fursado kale, laakiin daqiiqaddii 33aad ayay Bournemouth ku dhowaatay inay goolka barbarraha hesho, waxaana kubbad laag xor ah oo uu soo tuuray Stanislas dirqi goolka kaga sxaaray goolhaye Ederson.

Mar kale ayay Bournemouth goolka sigtay, waxaana qalad uu sameeyey Ederson oo goolka kasoo baxay ka faa’iidaysan gaadhay Solanke, laakiin kubadda uu goolka ku liishaamay ayaa difaaca City ku dhacday. Nasiib ayuu goolkaasi ku badbaaday.

GOOOOAAALLL!! Manchester City 2-0 Bournemouth – Gabriel Jesus ayaa hoggaanka kooxdiisa ugu dheereeyey kubbad uu ka helay David Silva, waxaana uu qaab farsamaysan kubadda ugu hubsaday dhinaca midig ee goolka, waxaanay labada kooxood ku kala nasteen 2-0.

David Silva ayaa kulankan isku qoray taariikhda horyaalka Premier League, waxaanu noqday ciyaartoygii saddexaad ee ugu da’da weynaa ee hal xili ciyaareed sameeya 10 caawimood oo horyaalka ah. Silva ayay da’diisu tahay 34 sannadood iyo 189 maalmood. Waxa uu ka dambeeyaa Dannis Bergkamp oo 35 sannadood iyo 263 maalmood jiray ayaa Arsenal xili ciyaareedkii 2004-05 ku sameeyey toban caawimood iyo Paulo Di Canio oo xili ciyaareedkii 2003-04 sameeyey toban caawimood iyadoo ay da’diisu jirtay 35 sannadood iyo 262 maalmood.

RIKOODHEE!!!!!! Manchester City ayaa ku doodday rikoodhe daqiiqaddii 72aad, waxaanu garsooruhu u xukumay in Gabriel Jesus uu qalad ku galay Steve Cook kaddib kubbad uu ka helay Silva.

NOOO MAAHA RIKOODE: VAR ayaa laga soo hubiyey rikoodhaha uu garsooruhu qabtay, waxaana soo baxday in Steve Cook uu kubadda taabtay ka hor intii aanay isku dhicin Jesus.

Man City ayaa ku dhowaatay in ciyaarta ay saddaxayso, waxaana kubbad layaab leh soo ciyaaray Foden, waxaanu ku liishaamay goolka oo u dhowaa, laakiin waxa isku duubay Ramsdale

GOOOOAALLLL!!! Man City 2-1 Bournemouth – David Brooks ayaa gool u dhaliyey kooxdiisa Bournemouth, waxaanu goolhaye Ederson si fudud u daba mariyey kubbad uu usoo farsameeyey Callum Wilson.

Fursad: Daqiiqaddii 90aad ayay Bournemouth samaysay fursad kale oo cajiib ahayd. Garcia ayaa kubadda usoo dhiibay Callum Wilson, laakiin masaafo 18 yard ah isaga oo jooga ayaa  uu toogasho la miciinsaday, waxaana ka dallacantay kubadda.

Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 2-1 ay guushu ku raacday Manchester City, waxaana dhamaadkii farxad muujiyey Pep Guardiola oo wadnaha farta ku hayay.

Advertisements
Advertisements

Laacib.net

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII