Manchester City oo 6-3 ku garaacday kooxda RB Leipzig, Guruubka A ee Champions League.

kooxda Manchester City ayaa caawa kulankeeda Champions league ku badisay 6 gool iyo 3 iyadoo mar kale dunida Caalamka u direysa fariin ah in ay markale tagi karaan koobkan Finalkiisa.

inkastoo Man City Caawa qeybta hore Qalqiil gashay hadana waxay ciyaarta gaarsiisay 6 gool taasi oo soo afjartay rajada kooxda RB Leipzig oo mar farqiga goolasha ka dhigtay 1 gool oo kaliya markii kubad madax oo qurux badan uu dhaliyay Christopher Nkunku.

Man City oo marti loo ahaa kulankan ayaa qabatay hogaanka ciyaarta daqiiqadii 12aad waxana hogaanka u dhiibay Nathan Ake, iyadoo Nordi Mukiele oo gool iska dhaliyay uu hogaanka ugu dheereeyay Man city,

Xidiga Christopher Nkunku ayaa gool u dhaliyay kooxda RB Leipzig 42aad ee ciyaarta lakin dhamaadka isla qeybta hore Man City ayaa heshay goolkeeda 3aad Riyad Mahrez ayaana u dhaliyay gool rigoore ah iyadoo kala nastay 3-1.

isku soo laabadka qeybta labaad Man City ayaa waaga ku baryay markii xidiga Christopher Nkunku uu ugu shubay goolka labaad isagoo madax ku dhaliyay kubad karoos aheyd Daqiiqadii 49aad ee ciyaarta, Jack Grealish ayaa goolka 4aad u dhaliyay Man City, Christopher Nkunku ayaa gool 3aad ka dhaliyay City isagoo ciyaarta ka dhigay 4-3.

dhamaadka ciyaarta Joao Cancelo iyo Gabriel Jesus ayaa soo afjaray sheekada RB Leipzig iyagoo dhaliyay labo gool kana dhigay ciyaarta 6-3 guud ahaan kulankan ayaa ku soo dhamaaday 6-3.

Sharaxaada Ciyaarta

Man City XI: De Bruyne, Mahrez, Cancelo, Ake, Ederson, Grealish, Zinchenko, Ruben Dias, Bernardo, Rodri, Ferran Torres

Subs: Carson, Fernandinho, Walker, Gundogan, Sterling, Jesus, Foden, C. Palmer, C. Slicker, R. Lavia

Leipzig XI: Gulacsi, Forsberg, Orban, Andre Silva, Klostermann, Angelino, Laimer, Mukiele, Nkunku, Olmo, Adams

Subs: Kampl, Poulsen, Henrichs, Haidara, Josep Martínez, D. Szoboszlai, M. Simakan, Ilaix Moriba, B. Brobbey, J. Gvardiol

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: warkii.com