Man United Oo Loo Sheegay In Ay Ku Khaldameen In Ayna La Soo Saxiixan Halkan Xiddig Suuqii Xagaagan.

Kooxda Man United ayaa suuqii xagaaga ahayd kooxda ugu mashquulka badan premier League iyada oo lala xidhiidhinayay xiddigo aad u badan oo boos walba leh kuwaas oo ay doonayeen in ay ku xoojiyaan kooxdooda iyaga oo ugu dambayn kala soo wareegay 3 xiddig oo kala ah Harry Maguire, Aaron Bas-waka iyo Daniel James.

Laakiin Man United ayaa loo sheegay in ay sameeyeen khalad weyn in ayna la soo saxiixan xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Sporting Lisbon ee Burno Fernandez kaas oo lala xidhiidhinayay suuqii xagaaga.

Waxa fikirkaas qaba xiddigii hore ee kooxda Man United ee Louis Saha kaas oo sheegay in uu xiddiga reer Portugal yahay xiddiga ka maqan kooxda Man United xilli ciyaareedkan.

“Bruno Fernandez waa xiddig leh tayo fiican oo cajiib ah waxana uu noqon karaa xiddig go,aamin kara kulamada Man United”ayuu Saha u sheegay Record.

“Laakiin waxa intaas dheer ayaa ah in uu yahay xiddig u dhashay in uu noqdo Hogaamiye waana waxa ka maqan Man United xilli ciyaareedkan”.

“Kaliya wakhtiga ayaa sheegi kara laakiin marka la eego wax walba oo dhacay ilaa haatan United waxa ay samaysay khalad in ayna la soo wareegin Bruno Fernanadez”.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here