Man United Oo Labo Dhibcood Ugu Soo Bixi Karta Champions League Balse Seddex Dhibcood Ku Hari Karta

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Advertisements

Manchester United ayaa u soo bixi doonta Champions League haddii ay barbaro galaan labada kulan ee uga harsan xilli ciyaareedka.

Laakiin haddii ay badiyaan kulanka hore oo laga badiyo kan ugu danbeeya, inkastoo ay dhibco badan helayaan hadana waa ay ku hari karaan.

Sababtoo ah Man United waxay kulankooda ugu danbeeya xilli ciyaareedka la ciyaarayaan Leicester City oo ah koox kale oo rajo weyn ka leh kaalinta afaraad.

Advertisements

United waxay kulankooda xiga wajahayaan West Ham habeenka Arbacada, iyagoo rajeynaya inay ka soo kabsadaan guuldaradii 3-1 ee ka soo gaartay Chelsea semi-finalkii FA Cup.

Kooxda Man United waxay dhibcaha iyo farqiga goolasha isaga mid yihiin Leicester City.

Sidaasi darteed haddii United ay guuldarro ka soo gaarto Wesy Ham, waxay la ciyaarayaan Leicester iyagoo farqiga goolasha ka hooseeya taasoo la micno ah inay guul kaliya ku soo bixi karaan.

Haddii United ay barbaro la gasho West Ham islamarkaana ay ka fogaato inay guuldarro ka soo gaarto Leicester waxay xaqiijisan doonaan kaalinta afaraad.

Ugu danbeyn haddii United ay ka badiso West Ham, guul ama barbaro ay ka heleen Leicester waxay u xaqiijin doontaa kaalinta afaraad.

Laakiin haddii ay ka badiso West Ham islamarkaana ay guuldarro ka soo gaarto Leicester, waxay la micno noqoneysaa in labada kooxood ay wada yeeshaan 65 dhibcood.

Waxay markaas ku xirnaan doontaa goolasha ay uga soo badiyeen West Ham, haatan Leicester City ayaa dhalisay afar gool in ka badan inta ay dhalisay Man United inkastoo farqiga goolasha ay isaga mid yihiin.

Haddii Man United ay ka goolal yar tahay ama farqiga goolasha ay ka hooseyso Leicester markaas iyaga ayaa hari doona.

Chelsea waxay haatan ku jirtaa kaalinta 3aad iyagoo leh 63 dhibcood, hal dhibic ayay ka sareeyaan United iyo Leicester iyadoo labo kulan ay u harsan tahay.

Laakiin haddii labada kulan ee u harsan ee ay la ciyaarayaan Wolves iyo Liverpool laga badiyo waxay ku dhameysan karaan meel ka baxsan afarta sarre.

Waxay taasi ku dhici kartaa haddii Man United ayu garaacdo West Ham islamarkaana Leicester City ay garaacdo Man United.

Advertisements
Advertisements

Laacib.net

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII