Man United, Chelsea Mise Liecester City- Kooxdee Ayay Kulamada Ugu Adagi U Hadhsan Yihiin?

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Advertisements

Tartanka kaalmaha saddexaad iyo afraad ee Champions league loogu soo baxayo ayaa hadda si cad ugu muuqda in ay u dhexeeyaan saddexda kooxood ee Chelsea, Leicester City iyo Manchester United.

Waxaa baaqi ah laba kulan oo kaliya waana kulamada sida rasmiga ah u go’aamin doona labada kooxood ee ku soo bixi doona kaalmaha saddexaad iyo afraad ee xili ciyaareedka cusub ka soo qayb gali doona Champions league.

Chelsea ayaa kaalinta saddexaad ugu fadhida 63 dhibcood waxayna min laba dhibcood oo kaliya ka saraysaa kooxaha kaalinta afraad iyo shanaad ku fadhiya ee Liecester City iyo Man United oo isku dhibco ku haysta min 62 dhibcood waxaana farqiga goolasha ku saraysa Foxes.

Advertisements

Kulankii xalay ee ay Man United guusha ka gaadhay Crystal Palace ayaa Red Devils lagu eedeeyay in ay caawin ka helayaan VAR iyada oo gudoomiyaha kooxda Crystal Palace uu su’aalo badan keenay.

Laakiin min labada kulan ee u hadhsan kooxaha Chelsea, Man United iyo Leicester City ayaa ah kuwo xiiso badan oo si buuxda loogu go’aamin doono labada kooxood ee Champions league ula soo bixi doona Liverpool iyo Man City oo haddaba si rasmi ah booskooda u xaqiijistay.

Aan ku bilawnee Chelsea waxay mari doontaa imtixaanka ugu adag marka la barbar dhigo labada kooxood ee ay la tartamayso ee Man United iyo Leicester City waxayna Bues la ciyaari doontaa kooxaha Liverpool iyo Wolves oo kamid ah kooxaha ugu dhibta badan.

Laakiin Leicester City ayaa iyaduna mari doonta imtixaan adag oo ay marka hore marti u noqon doonto kooxda Jose Mourinho ee Tottenham waxayna kadib Old Trafford ku booqan doontaa kooxda ay kaalmaha isku haystaan ee Man United.

Man United waxay noqonaysaa kooxda ugu fursada fiican marka lays barbar dhigo iyaga, Chelsea iyo Leicester City waxayna United marti galin doontaa West Ham kadibna waxay booqan doontaa Leicester City waana King Power Stadium halka ay Man United ugu soo bixi karto Champions league ama ay kaga quusan doonto.

Halkan kaga bogo min labada kulan ee loogu kala guulaysan doono kaalmaha saddexaad iyo afraad ee Champions league loogu soo baxayo.

Kulamada Chelsea Baaqiga Uga Ah Premier League

Liverpool (marti)

Wolves (Minan)

Kulamada Leicester City Baaqiga Uga Ah Premier League

Tottenham (Marti)

Manchester United (Minan)

Kulamada Manchester United Baaqiga Uga Ah Premier League

West Ham (Minan)

Leicester (Marti)

Advertisements
Advertisements

Laacib.net

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII