Man City oo Lumisay Xidigaha Stones, Laporte oo muddo laba isbuuc ah Dhaawac uga Maqan

Manchester City waxaa soo gaaray dhaawac laba jug ah iyadoo John Stones iyo Aymeric Laporte ay maqnaan doonaan labada isbuuc ee soo aadan.

City ayaa wajihi doonta usbuuc aad u xun, oo ka bilaaban doonta safar ay ku tageyso Stamford Bridge si ay ula kulanto kooxda ay xafiiltamaan ee Chelsea Sabtida, waxaana xigi doona inay isku dhacaan kooxda Paris Saint-Germain ee ka dhisan caasimadda Faransiiska ka hor inta aysan Anfield ku qaabilin Liverpool .

Wargayska Telegraph ayaa sheegaya in labadan xidig la filayo inay maqnaadaan labada isbuuc ee soo socota, taasoo la micno ah inay seegi doonaan seddexda kulanba taasi dhabar xanuun ku ah tababare Pep Guardiola .

Laporte ayaa ololahan si xoog leh u bilaabay, isagoo ka soo hooyay guulo ay ka gaareen Norwich, Arsenal iyo Leicester City , laakiin dhibaato ka haysata gumaarka iyo misigta ayaa dhinac martay. Xiddiga reer Spain ayaa seegay kulankii ay barbaraha 0-0 la galeen Southampton .

Dhanka kale Stones ayaan ka soo muuqan City xilli ciyaareedkan inkasta oo uu si fiican u soo bandhigay xilli ciyaareedkii hore. 27 jirkaan ayaa ka soo laabtay waajibaadka xulka England isaga oo qaba dhibaato muruqa ah taas oo la sheegay in ay sii kordhisay dib u dhac kale oo dhanka tababarka ah.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: warkii.com