Man City Oo Guul Xaraarad Leh Ka Gaartay Preston North , Wareegga 4-aad Ee EFL CUP Ayay U Gubeen

Ka dib ciyaar hal dhinac aheyd Man City ayaa nasiinada ugu dirtay sedex gool oo nadiif ah kooxda Preston North End oo ay marti ugu ahaayeen kulan ka tirsanaa wareegga sedexaad ee koobka EFL CUP .

Biloowgii ,kooxda Preston North End waxa ay isku dayayeen in ay kubadda la qeybsadaan City inkastoo kooxda Pep kubadda ku badnaayeen waliba baasas cajiib ah ayay dhisayeen .

Ciyaar aad u qurux badan ayay City soo bandhigeen waxa ayna Preston North End u diideen in kubadda taabtaan xilli goolkii ugu horeeyay uu yimid daqiiqaddii 20-aad waxaana saxiixay Raheem Sterling .

Preston North End waxaa ku adkaa in kubadda ka soo fogeeyaan aagga gooshooda waxaana Jesus daqiiqaddii 23-aad laga diiday gool qurux badan sababo la xariira Offside balse kooxdaas yar mar waliba waa ay u nuglaayeen goolal dheeraad ah

Ma jirrin wax laga sheego dhanka Preston North End waayo iyaga ayaa la baahsaalinayay waxaana loogu daray gool labaad daqiiqaddii 35-aad waxaana sameeyay Jesus .

City kubad kalsooni leh oo ay si wacan isugu dhiidhiibayeen ayay soo bandhigeen waxa ayna dhamaadkii heleen gool sedexaad waxaana si qaldan isaga dhaliyay daafaca Preston North End xilli uu difaacayay kubad uu qajefeynayay Silva waxa ayna aheyd daqiiqadii 41-aad , waxaana lagu nastay sedex gool oo nadiif ah.

Bilwoogii soo laabashadii , City ayaa weera tageysay waxa ayan baadi gobayeen goolal dheeraad ah xilli kooxda martida loo ahaa ay ku jireen difaac

Preston North End mararka qaar waa ay weerar tagayeen iansktoo durba loo soo kala jarayay waxa ayna City dhanka kale ku dhawaanayeen mararka qaar goolal waxaana baxsad ahaa David Silva

City si waliba ayay goolal dheeraad ah isugu dayaysay balse daafac ayaa hor taagnaa waxa ayna kooxda Preston North End u muuqdeen kuwo ka wacan qeybtii hore oo isku dayo ayaa jiray waliba kubadaha rogaal celiska ah ayay ku halis gilinayeen City.

Dhamaadkii City dhowr fursad xaqiiq ahaa ayaa diiday oo ay ku madnaayeen goolal basle nasiibka ayaa diiday waxa ayna ciyaarta ku dhamaatay sedex gool oo nadiif ah oo guusha ku raacday

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here