Magaca Laacibka Ugu Fiican Barcelona Oo Qabsaday Gobolka Catalunya & Waalidiinta Oo Caruurtooda U Bixinaya Magacaan

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Advertisements

Markii Leo Messi uu tagay Barcelona sannadkii 2000, kaliya afar cauruur oo wiilal ah ayaa loo bixiyay magaca Leo gobolka Catalunya.

Afar sannadood ka dib iyo markii uu xiddiga reer Argentina u saftay Barcelona kulankiisii ugu horeysay, magaca Leo waxaa loo bixiyay 11 caruur ah.

Soo shaac bixida Messi iyo sida uu u qabsaday kubada cagta ayaa keentay in taageerayaasha Barcelona ama taageerayaasha kubada cagta ay caruurtooda u bixiyaan magaca Leo.

Advertisements

Maanta Leo waa magaca labaad ee ugu badan ee loo bixiyo caruurta wiilasha ah gobolka Catalunya, boqolkiiba 12 wiilasha ku dhasha gobolka Catalunya waxaa loo bixiyaa Leo, waxaa kaliya ka horeeya magaca Marc.

Sannadkii 2017, magaca Leo waxa uu liiskaan kaga jiray kaalinta 12aad. Sannadkii 2018 wuxuu u soo kacay kaalinta 6aad, halka sannadkii 2019 ilaa iyo haatan uu soo galay kaalinta 2aad.

Sida lagu sheegay xogta keydka magacayada caruurta ee Catalunya, 662 wiil ayaa loo bixiyay Marc halka 500 wiil loo bixiyay Leo sannadkii 2019.

Magaca Leo waxa uu jabiyay in 100 wiilal loo bixiyo sannadkii 2009 markii Barcelona ay ku guuleysatay seddexda koob.

Taariikhda magaca Leo ee Catalunya

Advertisements
Sannadka Tirada Caruurta Ee Leo Loo Bixiyay Kaalinta Uu Magaca Ku Jiray
2004 11 262
2005 25 183
2006 30 169
2007 82 88
2008 86 92
2009 117 74
2010 136 64
2011 235 34
2012 355 22
2013 361 17
2014 422 12
2015 454 11
2016 435 12
2017 443 12
2018 459 6
2019 500 2
Advertisements

Laacib.net

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII