Madhuri Dixit Iyo Markee Tiri Waan Dharganahay Lix Film Taariikhi ahna Iska Diiday:

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

1- Ishq(Super Hit): kadib marka ay jishay filimkii caanka ahaa ee Raja kaasoo noqday Super Hit directorka indra Kumar ayaa u soo bandhigay Filimka Ishq hasa ahaatee waxa qabsaday mashquul sidaa daraadeed waa ay diiday ka bacdi waxa loo tagay aktarada Juhi Chawla waa ayna aqbashay ugu dambeeyn filimkaan ganacsi ahaan aad ayuu u guuleestay sanadkii 1997-kii.

2- Damini (Hit): filimka damini ayaa waxa dooqa koowaad loo doortay in ay jisho madhuri Dixt sikastaba ha ahaatee waa ay diiday fursadii loo soo bandhigay kama faaiideesan waa ay fasaxday doorka ay ka qaadan laheed.

3- 1942: A Love Story (Flop): Madhuri sidoo kale waa ay diiday 1942: love story filimkaan in ay ka qeeyb qaadato ama ay jisho iyadoo loo soo bandhigay doorka koowaad waa ayna ku gacan seertay kadib waxa lagu badalay aktarada manisha Koirala ayaa aqbashay oo qaadatay doorka atariishanimo ganacsi ahaan waa uu guuleestay waa Flop

4- Khamoshi (Flop): Madhuri Dixit Nene waxa ay aheeyd dooqa koowaad filimkaan in ay jisho markale waa ay diiday hadana kadib waxa go,aan lagu gaaray in loo dhiibo Manisha Koirala ganacsi ahaan waa uu guuleestay khamooshi laba abaal marin ayaa lagu bixiyay.

5- Darr (Blockbuster): filimka caanaka ah ee darr oo ay wada jilayaan Sharu Khan Sunny Deol iyo juhi Chawla oo waliba waxaa laadar ka ah sharukhan ereyga ama hadalka lagu xasuusto filimkaan waa i love you k-k-k-k kiran Director yash chopra ayaa go aansaday in dooqa koowaad laga dhigo oo ay jisho madhuri filimka Darr hasa ahaaatee waa ay diiday waxaa loo tagay Sri Devi sidoo kale iyadana waa ay diiday ugu dambeeyn waxa lagu badalay juhi chawla waana filim ganacsi ahaan aad u guuleestay waa Blockbuster

6- Pardes (Super Hit): Subhash Ghai ayaa aad ugu qanacsanaa in ay jisho filimkaan door fiican ka qaadato pardes aktarada madhuri waa ay diiday waa ayna iska fasaxday jilista kadib Director Subhash Ghai Ayaa waxa uu doortay oona u dhiibay aktarada Mahima Chaudhary oo loogu yeeraayo magaca ganga filimka Pardes kaasoo noqday Super Hit.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII