Madhab-baa in ay Booliska Aduunka codsadeen in lagu wareejiyo Wasiirkii Amniga Jubbaland?

Warar laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ay Hay’adda Booliska Aduunka ee INTERPOL ay codsatay in lagu soo wareejiyo kiiska Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan oo hadda ku jira xabsi ay maamusho dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.

INTERPOL ayaa xariir ay la sameysay dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, waxay ka codsatay in kiiska wasiir Janan oo loo haysto dambiyo ay ka mid yihiin tacadiyo ay tahay in la mariyo wadiiqo sharci ah oo aan cadaaladda marnaba laga sii deyn.

Booliska Aduunku, waxay kaloo codsadeen in dacwadaha loo haysto wasiir Janan ay tahay laftirkiisu in uu helo xaqa u leeyahay in uu is difaaco, waxayna codsadeen in la horkeeno maxkamad ama lagu wareejiyo Booliska Aduunka.

Majiraan faahfaahin dheeraad ah oo ka soo baxaya, arrimahan marka laga reebo warkan oo laga soo xigtay saraakiil katirsan taliska sare ee Booliska Soomaaliya, waxaana aan wali cadeyn wajiga dhabta ah ee arrimahan.

Booliska Soomaaliya ayaa dhawaan sheegay in uu xiran yahay Wasiir Janan oo ay ku haystaan dambiyo culus oo uu ka geystay Soomaaliya, waxaana shalay qaar kamid ah guddi howshaas ay u xilsaartay dawladda Faderaalku, ay sheegeen in xirnaanshihiisa ay tahay arrimo siyaasadeed oo uu ka dambeeyo Madaxweyne Farmaajo.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here