Madaxweyne Xaaf oo ku wajahan Nairobi iyo shir ka furmaya halkaas

0

Axmed Ducaale Geelle Xaaf Madaxweynaha  maamulka Galmudug ayaa maanta waxaa uu ku sii jeedaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Madaxweyne Xaaf ayaa waxaa uu ka qeyb gali doonaa Shir dhowaan magaalada Nairobi ay ku yeelan doonaan madaxda maamul Gobaleedyada dalka.

Madaxda maamul gobaleedyada ee tagay Nairobi ayaa waxaa ka mid ah  madaxweynayaasha Jubbaland, Hir-Shabelle, iyadoona la filayo in madaxda kale ay tagaan dalka Kenya si ay shirkaas uga qeyb galaan.

Kulamada mas’uuliyiintaan ayaa waxaa qeyb ka ah kulamo ay la qaadanayaan qaar kamid ah madaxda wadamada caalamka oo ku sugan magaalada Nairobi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here