Madaxweyne Farmaajo oo ka tegay dalka Itoobiya, kuna laabtay Magaalada Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayey ayaa goor dhoweyd dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kadib safar qaatay laba maalmood oo uu ku tegay dalka Itoobiya.

Madaxweynaha ayaa Addis ababa uga qeyb galay furitaanka Beerta Midnimada ee magaalada Adddis ababa laga dhisay, wuxuuna Raiisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ugu hambalyeeyay billadda caalamiga ah ee nabadda ee uu ku guuleystay

Madaxda dalalka IGAD ee Kenya, Uganda, Sudan iyo South Sudan ayaa ka qeyb galay xafladda iyo aragga madaxa IGAD ee magaalada Addis ababa. lama soo sheegin kulan dhex maray Madaxweynayaasha Somalia iyo Kenya oo ku wada sugnaa dalka Itoobiya.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here