Madaxweyne Benjamin Mkapa oo goor dhow ku geeriyooday Isbitaal lagu daweynayey

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynihii hore ee dalka Tansaaniya Benjamin Mkapa ayaa saaka la shaaciyey inuu saaka ku geeriyooday magaalada Daarul-salaam

Madaxweynaha haatan talada haya ee dalkaas John Magufuli ayaa shaaciyay geerida Mkapa.

Magufuli ayaa sheegaya in hogaamiyihii hore uu ku geeriyooday isbitaal isaga oo la daweynayay, balse ma caddeynin cudurka lagala tacaalayey

Ma cadda sababta keentay dhimashada Mkapa oo ahaa Madaxweynaha Tansaaniya soo xukumay muddo 10 sano ah oo u dhexeysay 1995-2005.

Baroordiiq Qaran ayaa loogu dhawaaqay dalka Tansaaniya, calankana hoos ayaa loo dhigay iyadoo hogaamiyaha geeriyooday loo sameyn doono maamuus iyo aas Qaran.

Mkapa oo 81 jir ahaa, wuxuu sidoo kale ahaa Safiir, wasiir iyo sarkaal muhiim ah oo ka tirsan xisbiga talada dalkaas haya ee CCM.

.fb_iframe_widget_fluid_desktop iframe {
width: 100% !important;
}

The post Madaxweyne Benjamin Mkapa oo goor dhow ku geeriyooday Isbitaal lagu daweynayey appeared first on Muqdisho Online. Caasimada Muqdisho.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII