Madaxweynayaasha Jubaland & Galmudug oo ku wajahan Garowe

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Reading Time: < 1 minute

Waxaa magaalada Garowe ee gobolka Nugaal ku wajahan Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Galmudug, kuwaas oo ka qayb gali doona aaska loo sameynayo Allaha u naxaristee Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Xasan Abshir Faarax iyo Madaxweynihii hore ee Puntland Maxamed Cabdi Xaashi.

Wararka aan heleyno waxay intaas ku darayaan in maalinta Khamiista ah ee berrito uu Ra’iisul wasaare Kheyre ku wajahanyahay magaalada Garowe, si isna uu uga qeyb galo aaska qaran ee loo sameynayo labada marxuum.

Aaska kadib madaxdu waxay dib ugu soo laaban doonaan magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo todobaadka nasoo aadan uu ka furmayo wajiga labaad ee shirka wadatashiga madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka.

Maanta ayaa sidoo kale lagu wadaa in wafdi hor dhac u ah madaxweyne Farmaajo uu gaaro Dhuusamareeb, iyadoo wararku ay intaas ku darayaan in madaxweynuhu berri oo Khamiis ah ku wajahanyahay Dhuusamareeb.

.fb_iframe_widget_fluid_desktop iframe {
width: 100% !important;
}

The post Madaxweynayaasha Jubaland & Galmudug oo ku wajahan Garowe appeared first on Muqdisho Online. Caasimada Muqdisho.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII