Madaxweynaha Puntland oo cafis u fidiyey maxaabiis

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr.11 oo ku taariikheysan January 15, 2020 Cafis gaar ah ugu fidiyey 5 xubnood oo dhowaan Xukun Maxkamadeed uu ku dhacay.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Puntland Qodobkiisa 80-aad, farqadiisa 11-aad.

Markuu arkay: Qodobka 149-aad ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed

Markuu arkay: Warqadda sumadeedu tahay XIG/DPS/ /2020, kuna taariikhaysan 14/01/2020, ujeedadeeduna tahay Codsi Cafis Gaar ah Maxaabiis Xukuman, kana soo baxday Xafiiska Xeer-ilaalayaha Guud ee Dowladda Puntland

Markuu Tixgaliyay: Xaaladooda Caafimaad iyo waliba mida Da’dooda ee xukumanayaasha hoos ku xusan

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa cafis Madaxwayne oo gaar ah loo fidiyey Xukumunayaasha magacyadoodu kala yihiin sidatan:-

1.1. Muuse Cali Jaamac Ina Caasho Ciise 70 jir ah

1.2. Cabdullaahi Yuusuf Buuxe Ina Faadumo Shire 60jir ah

1.3. Cawad Ceel Maxamed 70 jir ah

1.4. Cabdicasiis Baydhabo Axmed Ina Shamis Siciid 47 jir ah

1.5. Maxamuud Aadan Rooble ina Mumino Maxamud 60 Jir ah.d

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here