Madaxdii dalka soo martay iyo hogaamiyaha xisbiga wadajir oo u duulay Kismaayo

Madaxweynayaashii  hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Sheekh Shariif Sheekh Axmad, Hogaamiyaha xisbiga wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo wefdi ay hogaaminayaa ayaa goordhow ka ambabaxay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho iyaga oo kusii jeeda magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland.

Waxaa wehlinaya Xildhibaano katirsan Labada aqal waxaana daqiiqadaha soo aaddan ay ka degayaan Kismaayo iyada oo soo dhaweyntooda ay ka socoto garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo.

Barqanimadii maanta ayaa magaalada Kismaayo waxaa gaaray wefdi balaaran oo uu  hogaaminayay madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni kuwaas loo madaxweynaha Jubbaland uu ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here