Madaxda DG “Dh/Mareeb 5 arimood ayaanu Kheyre uga soo baranay, mas’uuliyad qarana laguma aamini karo”

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Reading Time: 3 minutes

Wixii ka horeeyay kulankii Wadatashiga Dhuusamareeb madaxda Dowlad Goboleedyada waxa rajo uga jrtay in Xasan Kheyre noqon karo shaqsi ay ku aamini karaan hogaanka dalka hadii Farmaajo xiligiisa dhamaado, laakiin dhowrkii maalin ee uu Kheyre ku sugnaa magalaada Dhuusamareeb waxa u soo baxday hogaanka dowlad goboleedyada in Xasan Kheyre yahay shaqsi aan sinaba loogu aamini karin hogaan umadeed.

Kheyre ayaa inta uu ku suganaa magalaada Dhuusamareeb waxa uu sameeyay ficilo isugu jira; go’aan la’aan, been-abuurasho, ciyaal –suuqnimo iyo garasho la’aan la xiriirta xaalada dalku marayo iyo mas’uuliyada kaga beegan.

Mid kamida madaxda dowlad goboleedyada oo aan khadka taleefanka kula hadalnay ayaa u sheegaya warkii.com in wixii ugu muhimsanaa oo ay ka faa’iideen imaatinka Dhuusamareeb ay ahayd barashada cusub ee Xasan Kheyre.

“…war ninkaan marka ugu badan oo aanu wada joognay waxa ay ahayd saacado ama maalmo kooban oo shirk u kulanay, laakiin waqtiga aan hada isku helnay wali iskuma anaan helnin, gaar ahaan xaalada u baahnayd hogaan Ra’iisal Wasaare ayaan ku kulanay… walaalow ninkaas waa nin caqli caruureed leh, oo isku dayayo in uu qofkastaa been u sheego, dadkana ukala been sheego isaga oo aaminsan in uu qofkastaa qaldi karo… war waa yaabnay”. Ayuu yiri Madaxweynahaas oo naga codsaday in aan ka gaabsano sheegida magaciisa.

Waxa uu intaas ku daray “oo Farmaajo maxaanu u eedaynaynay ninka aan go’aanka   qaadan karin waa Kheyre, waxa uu aaminsan yahay in uu qofkastaa ka caqli badan yahay… hadii uu go’aan lahaan lahaa shirkaan waxaa ka soo bixi lahaa natooji ka duwan kan hada ka soo baxaday waqti badana nagama dhumeen”.

Madaxda dowlad goboleedyada ayaa dhamaantood isku raacday in Xasan Kheyre uu markiisii horaba ay ahayd in aan mas’uuliyad noocaan ah lagu aaminin, maadaama uu yahay shaqsi aan dareemi karin culayska mas’uuliyad uu dalka u hayo.

Qaar kamida calaamadaha lagu arkay inta uu joogay Dhuusamareeb oo keentay in Madaxda Dowlad Goboleedyadu ka falceliyaan waxaa ka mida:

Go’aan La’aan: Waxa uu waqtigiisa ku lumiyaa in uu ka dhuunto mas’uullyadda, gaar ahaan in uu qaato go’aan uu isagu aaminsan yahay in uu xaq yahay ama uu arko in ay ku jirto danta dalka.

Been sheegid aan munaasab ahayn: Hogaanka Dowlad Goboleedyadu waxa ay ku arkeen in uu yahay qof ku sifoobay been-sheegid aanu dan-gaar ah isaga ugu jirin.  Waxa ay ku arkeen in uu yahay qof  ay aad ugu adagtahy in uu runta abaaro. Marka uu DG la joogo tooda ayuu ku raacayaa laakiin marka uu tago Farmaajo waxa uu u sheegay in uu ka soo horjeedo talada Dowlad Goboleedyada.

Xan uu la xamanayo Madaxweynaha: Markan uu la joogo Madaxda DG waxa uu la xamanayaa farmaajo marka Farmaajo looo tagana waxa uu iska dhigayaa nin aanba waxba kala socon xantii uu horay ula soo xantay Farmaajo.

Khiyaano: Waxaa ka dhaa-dhacsan Kheyre  in uu qiyaani karo qof kastaa. Madaxda Dowlad Goboleedyada ayaa dhowr mar ku qabtay khiyaano uu isku dayay in uu ku sameeyo dowlad goboleedyada dhexdooda, laakiin  markii danbe madaxda dowlad Goboleedyadu ayaa ayagu isku sheegeen ficilka uu ku kacay Kheyre.

Faan iyo in uu lacag badan haysto: Isaga oo ilaawsan in hantida uu uu hayo umadda ay tahay mid lagu keenay magaca umadda Soomaaliyeed, ayaa inta badan waxa ugu faanayay in  madaxda dowlad goboleedyada  uu lacag badan u hayo iyaga laakiin Farmaajo u diidan yahay, markii Farmaajo loo taganao wuu ka aamusayaa  in uu soo hadal qaado arihii lacagta.

Arimahaan iyo kuwo kale oo ay ka xishoonayaan in ay madaxda dowlad goboleedyadu soo hadal qaadaan ayuu ku kacay Xasan Kheyre intii uu joogay Dhuusamareeb. Tani ayaana keentay in qaar  kamida madaxda dowlad goboleedyadu ay ilaah uga mahad-celiyaan barashada ay barteen Xasan Kheyre inta aan la gaarin doorashada soo socota.

.fb_iframe_widget_fluid_desktop iframe {
width: 100% !important;
}

The post Madaxda DG “Dh/Mareeb 5 arimood ayaanu Kheyre uga soo baranay, mas’uuliyad qarana laguma aamini karo” appeared first on Muqdisho Online. Caasimada Muqdisho.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII