Madasha Xisbiga Qaran oo hal arrin dalbaday ka dib shaki ay ka muujiyeen Shirka Dh/mareeb

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa soo dhaweysay warmurtiyeedkii laga soo saaray shirkii Madaxda Dowlad Goboleedyada ku yeesheen Magaalada Dhuusamareeb.

Bayaan ka soo baxay Xafiiska Madasha Xisbiyada Qaran ayaa lagu sheegay in Madasha Xisbiyada ay warmurtiyeedkaasi u aragto tallaabo horey loo qaaday.

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa ku baaqday in gogosha shirka la ballaariyo, fursadna loo siiyo inay ka soo qaybgalaan Daneeye-yaasha Siyaasadda, sida Ururada Bulshada, Xisbiyada Siyaasadda iyo wixii lamid ah.

Sidoo kale, Madasha Xisbiyada Qaran ayaa bogaadiyay howlaha muhiimka ah ay hormuudka u yihiin madaxda maamulada dalka,waxayna mar kale ku celiyeen in la adkeeyo in doorashada waqtigeeda ku dhacdo.

Hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada ayaa ku marti qaaday wejiga labaad ee shirka Dhuusamareeb madaxda ugu sareysa dalka sida madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaare Kheyre.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII