Madaama Agaasimaha Chelsea Ay Saaxiib La Tahay Xaaskiisa Ayuu Ogolaaday Inuu Baaqi Ku Sii Ahaado Stamford Bridge

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Advertisements

Agaasimaha kooxda Chelsea gabadha lagu magacaabo Marina Granovskaia ayaa lagu waramayaa inay ka dhaadhicisay Olivier Giroud inuu sii joogo kooxda sababtoo ah waxay saaxiib dhow la tahay xaaskiisa Jennifer.

33 jirkaan ayaa doonayay inuu ka tago Stamford Bridge bishii Janaayo madaama uu inta badan xilli ciyaareedkan kursiga keydka u fadhiyay Tammy Abraham.

Laakiin Blues ayaa ka hor joogsatay inuu baxo xiddiga Faransiiska iyadoo weeraryahanka ay xiiseynayeen inay la saxiixdaan kooxaha kala ah Inter Milan, Lazio iyo Tottenham.

Advertisements

Giroud ayaa sheegay inuu sameeyay wax walba oo awoodiisa ah sidii uu uga tagi lahaa kooxda ka dhisan Galbeedka London, isagoo yiri: “Waxaan is arkay anigoo ku fekeraya inaan koox kale u dheelo.

“Waxaa i soo martay lix bilood oo adag. Waa sababta aan isagu dayay inaan baxo bishii Janaayo.

“Waxaan sameeyay wax walba oo aan ku bixi karay. Ugu danbeyn xaalada ayaa diiday in Chelsea ay u fasaxdo. Sharuuda ku xirneyd bixitaankeyga waxay aheyd inay helaan bedelkeyga.

“Kooxda sida weyn ii xiiseyneysay waxay aheyd Inter Milan. Dhibaatada waxay aheyd wadahadal ayaa dheeraaday.

“Xitaa Lazio iyo Tottenham ayaa i xiiseynayay, laakiin su’aasha waxay aheyd miyaan bixi karay. Ma jirin wax aan sameyn karay. Waan ku xayirmay halkaan.”

Waxa haatan la shaaciyay in agaasimaha kooxda Granovskaia ayaa door muhiim ah ka ciyaartay in xiddigii hore ee Arsenal uu sii joogo kooxda.

Joornaaliistaha Christian Falk ayaa yiri: “Marina ayaa aheyd midii ka celisay Giroud inuu baxo bishii Janaayo madaama ay saaxiibo dhow yihiin xaaskiisa.”

Go’aanka uu Giroud ku sii joogay kooxda ayay ku faa’iday Chelsea isagoo dhaliyay lix gool tan iyo markii kubada cagta dib loo bilaabay.

Shan gool ayuu ka dhaliyay Premier League halka uu dhaliyay goolkii furitaanka ee kulankii ay ka badiyeen Man United ee semi-finalka FA Cup.

Advertisements
Advertisements

Laacib.net

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII