Macalin Maxamuud: “ma aqbali karno falal amni daro ee ka dhaca Dhuusamareeb”

Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax Hogaamiyaha guud ee Ahlu Sunna oo ka hadlayay Munaasabad ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxa uu ka hadlay Xaaladda Amni ee deegaanada Galmudug oo xiligan marayso.

Hoggaamiyaha ayaa waxaa uu sheegay in falal  liddi ku ah Amniga ay mudooyinkii dambe  kusoo kordheen Magaalada Dhuusamareeb, iyada oo ay ku sugan yihiin Ciidamadii gacanta ku hayay mas’uuliyadda Ammaanka magaaladaasi.

Sidoo kale Macalin Maxamuud ayaa waxa uu shaaca ka qaaday  in aan la aqbali Karin in falalka Amni darro ee kasoo cusboonaaday Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug.

Macalin Maxamuud ayaa sidoo kale sheegay in marka ay arkeen Qaraxyada ay muujineyso in Xarunta Galmudug ay gacan  gashay.

Hadalka Macalin Maxamuud ayaa waxaa uu ku soo aadayaa kadib markii shalay magaalada Dhuusamreeb uu ka dhacay qarax sababay dhaawac.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here