Maamulka G/Banaadir oo so bandhigay SAHAN ayka sameeyen Bulshada

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Reading Time: < 1 minute

Maamulka Gobolka Bananadir ayaa maanta soo bandhigay natiijo ka soo baxday SAHAN dadweyne oo laga sameeyay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya.

Sahankaan ayaa ku saabsanaa Cudurka halista ah ee Coronavirus, iyadoo dadweynaha su’aalo laga weydiinayay waxa ay u yaqaanan CIOVID-19 iyo sida uu Sameynta ugu yeeshay noloshooda.

Sahankaan ayaa laga sii daayay ilaa 5 Xarumo warbaahineed oo ku yaalla Muqdisho oo ay dadka ku soo diriyeen fariimo ay uga soo jawaabayen su’aalihii la weeydiiyay.

Sida ka muuqatay natiijada Sahanka, dadka intooda badan ayaa aqoon u lahaa Caabuqa COVID-19 taasoo tusinaysa in maamulka Gobolka Banaadir uu si mug leh u sameeyay wacyigalin balaaran oo ku aadaneed COVID-19.

Maamulka Gobolka ayaa xilligaan laba jibaarayo dadaaladiisa wacyigalineed ee la xiriirta Caabuqa Karoona si loo xaqiijiyo badqabka dadka ku dhaqan Magaalada Muqdisho.

.fb_iframe_widget_fluid_desktop iframe {
width: 100% !important;
}

The post Maamulka G/Banaadir oo so bandhigay SAHAN ayka sameeyen Bulshada appeared first on Muqdisho Online. Caasimada Muqdisho.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII