Maamulka Barcelona oo isbadal ku sameesay Waqtigta uu soo laabanayo Ansu Fati

Maamulka Barcelona ayaa go’aansaday inay dib u dhigaan soo laabashada Ansu Fati.

Garabka da’da yar ayaa ku soo laabtay garoonka tababarka toddobaadkii hore ka dib markii uu ka soo kabsaday qaliin jilibka ah sanad ka hor.

AS ayaa sheegeysa, in qorshayaasha soo laabashada ciyaarta ee bishaan dib loogu dhigidoono ilaa Oktoobar.

Fati kuma lug yeelan ciyaartii saaxiibtinimo ee Arbacadii ay la yeelatay Prat taas oo astaan ​​u ah inuusan diyaar u ahayn soo laabashada ciyaarta.

ilo caafimaad oo ka tirsan Barca ayaa sheegaya in Fati uu qaato tababar badan si uu toos ugu soo laabto kooxda.

Soo laabashadiisa ayaa laga yaabaa inay haatan dib u dhacdo ilaa fasaxa xulalka, iyadoo kulanka Valencia ee Camp Nou 17ka Oktoobar ay noqon karto waqtiga uu soo laabanayo xidigan.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: warkii.com