Ma dhabaa in Axmed Madoobe uu si qarsoodi ah uga qeybgalay Shirka Garowe [Sawir muran dhaliyey]

Sawir lagu faafiyey baraha bulshadda ayaa waxaa kasoo muuqdy ruux u shakaal eg madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe, kaasi oo ka qeybgalaya Shirka Maalgeshiga maamul goboleedka Puntland.

Dadka qaarkii ayaa durba markii ay arkeen sawirkaasi ku sheegay in uu yahay Axmed Maxamed Islaam, inkasta oo kuwa kalena ay soo jeediyeen in uusan isagu ahayn; qaar kelana ay codsadee xaqiijin.

Wasiirka Qorsheynta Jubbaland, Aw Xirsi, oo arrintaan ka fal-celiyay ayaa waxa uu ku tilmaamay mid aanan waxba ka jirin, wuxuuna shaaca ka qaadey in Axmed Madoobe uusan ka qeybgeli shirkaasi.

Mr Aw Xirsi oo baraha bulshadda gaar ahaan Twitter-ka aad u isticmaala ayaa waxa uu carabka ku adkeeyay in shaqsi ahaan uu isagu jeclaan lahaa in uu ka qeybgalo, balse aysan u suurtogelin.

Shirka Maalgeshiga Puntland oo Sabtidii furmay ayaa waxaa la filayaa in uu sii socda labadda maalmood ee fooda nagu soo haysa, isla markaana lagu soo bandhigo kheyraadka maamulkaasi.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here