Luka Modric Oo Kashifay Falsafadda Zinedine Zidane Iyo Sirtii Ka Caawisay Inay Ku Guuleystaan Horyaalka

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Advertisements

Real Madrid ayaa gashay hoos u dhac weyn markii uu ka tegay Cristiano Ronaldo oo uga wareegay Juventus, laakiin Luka Modric waxa uu mar walba rumaysnaa in kooxdu aanay lumin doonin maskaxda guuleed.

Xiddiga reer Croatia waxa uu qiray in bixitaankii Ronaldo uu wax weyn yeelay kooxda oo aanay isku mid ahayn markii uu joogay iyo kaddib, laakiin ay haddana ciyaartoydu ku qanacsanaayeen inay isaga la’aantii sii wadi doonaan inay guuleystaan.

“Daruuri maaha in laga hadlo sida uu Cristiano muhiim ugu ahaa Real Madrid, laakiin waxaanu mar walba ku qanacsanayn in aanu sii wadi doono guulaha isaga la’aantii.” Ayuu yidhi Luka Modric.

Advertisements

Ruug caddaaga reer Croatia waxa uu tilmaamay in guulaha kooxdiisu gaadhaysay intii ciyaaraha dib loogu soo laabtay ay ahayd natiijo ka dhalatay shaqadii ay ciyaartoygu qabteen waqtigii ay ciyaaruhu hakadka ku jireen, waxaanu yidhi: “Intii aanu go’doonka ku jirnay, dhamaantayo waanu tababaran jirnay.

“Waxay tababarka samaynayeen ciyaartoydu iyagoo wada xidhiidhaya, waxaanay ka shaqaynayeen sidii ay dhiirigelin dheeraad ah u heli lahaayeen. Waxaanu doonaynay kubadda, markii aanu ugu dabayntii kusoo laabanay tababarkana, waxaan dareemay in xidhiidh xooggan uu u dhexeeyo ciyaartoyda, inay ku raaxaysanayaan inay isku soo laabtaan.”

Luka Modric waxa kale oo uu amaanay tababare Zinedine Zidane iyo awooddiisa maamul, waxaanu yidhi: “Zidane mar kale ayuu caddeeyey inuu yahay shaqsi weyn. Wuxuu xaqiijinayaa, falsafaddiisuna xidhiidh dhow la leedahay ciyaartoyda.”

Advertisements
Advertisements

Laacib.net

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII