Loolanka doorashada Guddoonka Baarlamaanka Jubbaland oo ka socda Kismaayo.

Magaalada kismaayo ee gobalka jubbada hoose wararka ka imaanaya ayaa sheegaya in halkaasi ay ka bilowdeen loolanka loogu jiro ku guuleysiga guddoonka baarlamaanka jubbaland kaddib markii shalay la dhaariyay xildhibaannada lasoo xulay ee 73da gaareysa.

Xalay ayaa la tilmaamay in magaalada kismaayo ay ahayd mid aad u mashquul badan maadaama ay socdeen olole lagu doonayo in lagu qabto xilka guddoomiyaha baarlamaanka jubbaland iyo ku xigeennadiisa.

Saacaddihii ugu dambeeyay ayaa waxa soo baxayay Musharaxiinta u taagan xilka Guddoonka baarlamaanka Jubbaland oo doorashadiisa ay Magaalada Kismaayo ka dhici doonta maalmaha inagu soo aaddan.

Sheekh Cabdi Yuusuf Cali ayaa loo doortay inuu noqday Guddoomiyaha KMG ee Baarlamaanka Jubbaland, inta laga soo dooranayo Guddoonka cusub.

Dhanka kale arrintaan ayaa waxaa kasoo horjeestay midowga musharaxiinta ee jubbaland kuwaa oo sheegay in arrinkaan aysan ahayn mid si sax ah ay ku dhacday blse dhowaan liiska xildhibaannada ay soo saareen ay dooran doonaan guddoon cusub intaa wixii ka dambeeyane loo daa dagi doona doorashada madaxweynaha jubbaland.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here