Liverpool Waxay isticmaashay Dhiirogalintii 2005 si dib ugu soo laabato. (warbaahinta Ingariiska)

kooxda Liverpool oo caawa ku ciyaareysay Garoonkeeda Anfield ayaa 3-2 waxay ugu badisay kooxda Ac Milan oo markii hore hogaanka heysay.

Warbaahinta Ingariiska ayaa ciwaano ahaan u soo qaatay in kooxda Liverpool ay Caawa dhiirogalin u soo qaadatay cashirkii ay sameesay 2005 markaasi oo kooxda Ac Milan u dhigtay Taariikh-dii cajiib aheyd ee Champions league.

Liverpool ayaa hada u muuqata kuwa awood ahaan dhisan gaar ahaan markii ay dib u soo laabteen qaar kamid ah daafacyada ugu muhiimsanaa kooxda.

Reds ayaa sidoo kale guul gaartay kulankeeda ugu danbeeyay ee Horyaalka taasi oo muujineysa in ay ku jirto heer wanaagsan.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: warkii.com