Liverpool Sidee u aragtaa Mushaharka uu Dalbaday Xidiga Mo Salah

Liverpool ayaa dagan oo aan jahwareer u arkin dalabka qandaraaska ee Mohamed Salah .

Liverpool ayaa ku kalsoon ‘inuu Salah u saxiixi doono qandaraas cusub ilaa 2025 inkasta oo xidiga Masaariga dalbanayo 500,000 oo Ginni isbuucii si uu u sii joogo Merseyside, sida ay qortay Daily Star .

Salah wuxuu durbaba ka mid yahay xiddigaha ugu mushaarka badan Liverpool , laakiin Jurgen Klopp ayaa u arka in Salah lagu abaal-mariyo qandaraas cusub oo ah mudnaanta koowaad.

29 jirkaan ayaa kaliya labo sano uga hartay heshiiskiisa Liverpool .

Klopp ayaana doonaya inuu Salah heshiis cusub u saxiixo si uu uga fogeeyo qorshaha Real Madrid iyo PSG , kuwaasoo laga yaabo inay u soo dhaqaaqaan saxiixiisa haddii uusan saxiixin.

Laakiin, sida uu sheegay saxafiga Nicolo Schira, Liverpool waxay ku kalsoon tahay inay saxiix la galindoonto xidigan oo ku adan mushahar kordhintiisa.

Waxa uu bogiisa ku yiri: “# Liverpool ayaa wadahadalo heshiis kordhin ah kula jirtay Salah kaasi oo gaaraya ilaa 2025.

Source: warkii.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here