Liverpool oo xiisaynaysa xiddiga Chelsea ee Callum Hudson-Odoi

Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay xiiseyneyso saxiixa weeraryahanka Chelsea Callum Hudson-Odoi .

20 jirkaan ayaa ku dhibtooday inuu boos joogto ah ka helo safka hore ee Thomas Tuchel wuxuuna kaliya ka soo muuqday mid ka mid ah shantii kulan ee Premier League ee Blues ilaa iyo haatan xilli ciyaareedkan.

Hudson-Odoi ayaa si aad ah loola xiriirinayay inuu amaah ugu biirayo Borussia Dortmund intii lagu jiray garaacisyadii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga xagaaga, laakiin Tuchel ayaa xaqiijiyay inaysan macquul ahayn in kooxdu u fasaxdo inuu baxo.

Si kastaba ha ahaatee, iyadoo waqtiga ciyaarta da’yarka uusan wali gaarin heerkii la rabay, Calciomercato ayaa sheeganeysa in tababaraha Liverpool Jurgen Klopp laga yaabo inuu u soo dhaqaaqo xiddiga aa la  door bidin ee Hudson Odoi.

Kooxda reer Merseyside ayaa sidoo kale la saadaalinayay inay u dhaqaaqdo Hudson-Odoi xagaaga 2019 ka hor inta uusan xiddiga reer England qalinka ku duugin heshiis cusub oo shan sano ah oo uu ku sii joogi doono Stamford Bridge, kaasoo dhacaya 2024-ka.

Hudson-Odoi ayaa haatan u saftay kooxda koowaad ee Chelsea 100 jeer tartamada oo dhan, isagoo dhaliyay 13 gool iyo 16 caawin.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: warkii.com