Liverpool oo Shaacisay Dhaawaca Thiago Alcantara iyo Kulamada uu Maqnaanayo

Thiago Alcantara ayaa seegi doona kulamada ay Liverpool la yeelan doonto Norwich iyo Brentford sababtuna waa dhaawac kubka ah oo soo gaaray kulankii Crystal Palace.

Xiddiga heerka caalami ee dalka Spain ayaa laga saaray qeybtii labaad ee kulankii Sabtidii ay 3-0 kaga badiyeen Anfield.

In kasta oo Liverpool ay sugayso natiijooyin baaritaan dheeri ah, Thiago ayaa laga saaray kulanka Carabao Cup ee Talaadada ee Norwich City iyo kulanka Premier League ee ay Sabtida u safrayaan Brentford.

“Hadda ma dhihi karo inta ay qaadan doonto laakiin hubaal ma ahan berri (Talaadada) mana ahan dhammaadka usbuuca,” ayuu yiri kaaliyaha maareeyaha Liverpool Pepijn Lijnders.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: warkii.com