Liverpool oo isku diyaarineysa inay 88 milyan oo ginni ku dalbato xiddiga Barcelona Pedri

Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay 88 milyan oo ginni kula soo wareegeyso xiddiga qadka dhexe ee Barcelona Pedri , iyadoo tababaraha Reds Jurgen Klopp ay ka go’an tahay inuu xiddiga reer Spain keeno Anfield.

18 jirkaan ayaa Barcelona ka yimid Las Palmas xagaagii lasoo dhaafay laakiin wuxuu ciyaaryahan muhiim u ahaa kooxda Ronald Koeman intii lagu jiray ololihii 2020-21, isagoo saftay 52 kulan tartamada oo dhan.

Pedri ayaa markaas Spain u matalay Euro 2020 iyo Olombikada Tokyo durbaba labo jeer u saftay kooxda reer Catalan xilli ciyaareedkan.

Warbixin dhawaan la soo saaray ayaa lagu sheegay in Barcelona ay qandaraas cusub u soo bandhigeyso da ’yarka, kaasoo qandaraaskiisa haatan lagu kordhin doono labo sanno oo dheeri ah xagaaga soo aadan.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay OK Diario , Liverpool ayaa isku diyaarineysa inay dalab 88 milyan oo ginni ah ka gudbiso ciyaaryahanka khadka dhexe iyadoo rajeyneysa inay ku qanciso Barcelona inay iska iibiso iyadoo ay jirto arrimo dhaqaale.

Warbixinta ayaa sheegeysa in Klopp uu u arko Pedri inuu yahay ciyaaryahanka ugu habboon ee beddeli kara Georginio Wijnaldum , kaasoo ka tagay Anfield si xor ah ugu biiray Paris Saint-Germain xagaagii.

Manchester City ayaa sidoo kale la sheegay inay si gaar ah isha ugu heyso horumarka ku xeeran xidigan.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: warkii.com