Liverpool oo 3-1 uga badisay kooxda Ac Milan, Kulankooda Champions league, Mo Salah oo Goolashiisa sii wata

Kooxda Liverpool ayaa garoonkeeda Anfiel ku garaacday kooxda Ac Milan ee Dalka Taliyaaniga iyadoo Caawin ka helaysa Mohamed Salah oo gool muhiim ah dhaliyay caawa

Xaalada Liverpoo ayaa qeybta hore u muuqatay mid cakiran markii Ac Milan ay labo deg deg ah dhalisay lakin Liverpool ayaa mar kale dib dunida isku soo xasuusisay iyadoo Mohamed Salah uu laf dhabar u ahaa guusha caawa.

Qeybta hore Daqiiqadii 9 aad xidiga Fikayo Tomori ee Ac Milan ayaa gool uu iska dhaliyay hogaanka ugu dhiibay kooxa Liverpool lakin qeybta hore dhamaadkeeda Ac Milan ayaa labo mar shabaqa soo taabatay Ante Rebic iyo Brahim Diaz Daqiiqadihii 42aad iyo 44aad ee ciyaarta waxana ka horeeyay gool rigoore ah oo laga qabtay Salah iyadoo lagu kala nastay 1-2 oo hogaanka ku heyso Ac Milan,

Bilowga Qeybta danbe kubad uu kasoo shaqeeyay Divock Orig kuna Caawiyay Salah ayay Liverpool ugu suura gashay in ciyaarta ka dhigto bar-baro daqiiqadii 49aad, Reds ayaana heshay goolka guusha Daqiiqadii 69aad iyadoo uga mahadcelineysa Jordan Henderson guud ahaan kulankan ayaa ku soo dhamaaday 3-2.

Shaxda Ciyaarta

Liverpool XI: Henderson, Matip, Alisson, Salah, Origi, Fabinho, Robertson, Joe Gomez, Naby Keita, Jota, Alexander-Arnold

Subs: Milner, Adrian, Thiago, Oxlade-Chamberlain, Van Dijk, Minamino, Mane, Tsimikas, Kelleher, Konate, Curtis Jones, N. Phillips

Milan XI: Kjaer, Rebic, Maignan, Calabria, Kessie, Tomori, Bennacer, Theo, Brahim, Leao, A. Saelemaekers

Subs: Tatarusanu, Giroud, Florenzi, Romagnoli, F.Toure, Gabbia, Tonali, Kalulu, A. Jungdal, Maldini

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: warkii.com