Liverpool oo 3-0 ku garaacday kooxda Crystal Palace, Mo Salah oo Shaqaba soo taabtay mar kale

Liverpool ayaa mar kale sii wadatay guulaheeda muhiimka kadib markii ay cashir u dhigtay kooxda Crystal palace kulan ka tirsan Horyaalka Premier league-ga.

Reds ayaa guul awood ah ka gaartay kooxda Crystal Palace kadib markii ay ku badisay 3-0 goolal ay ka heshay xidigaheeda Salah, Mane iyo Naby Keita.

Sadio Mane ayaa goolasha u daah-furay kooxda Liverpool Daqiiqadii 43aad ee ciyaarta iyadoo lagu kala nastay goolkaasi.

isku soo laabadka qeybta labaad ayay Liverpool heshay goolka labaad kubad uu caawinteeda lahaa Virgil van Dijk waxaa shabaqa ku hubsaday Mohamed Salah Daqiiqadii 78aad ee ciyaarta.

Xidiga Naby Keita ayaa soo afjaray rajada kooxda martida ah isagoo kubad soo laabasho ah si qurux badan goosha ugu hubsaday guud ahaan ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 3-0.

Shaxda Ciyaarta

Liverpool XI: Milner, Henderson, Thiago, Alisson, Salah, Van Dijk, Mane, Fabinho, Tsimikas, Jota, Konate

Subs: Oxlade-Chamberlain, Minamino, Origi, Robertson, Joe Gomez, Naby Keita, Kelleher, Curtis Jones, N. Phillips

Crystal Palace XI: McArthur, Kouyate, Benteke, Guaita, Ward, Jordan Ayew, Zaha, Andersen, Guehi, C. Gallagher, T. Mitchell

Subs: Tomkins, Martin Kelly, Clyne, Milivojevic, J. Butland, Hughes, Riedewald, O. Édouard, M. Olise

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: warkii.com