Liverpool & Man United Oo Wadahadalo Kula Jira Sergio Ramos

0

Kooxaha Liverpool iyo Man United ayaa labadooduba wadahadalo la fureen kabtanka kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos sida ay sheegayaan wararka ka imanaya dalka Spain.

Ramos ayaa si aad ah uga fiirsanaya in uu isaga tago kooxda Real Madrid kadib markii uu la kulmay madaxweynaha kooxda ee Florentino Perez bilowgii bishan.

Sida laga soo xigtay MARCA iyo El Chiringuito TV, Ramso ayaan hubin mustaqbalkiisa kooxda Real Madrid isaga oo aaminsan in is badal ay u fiican tahay isaga iyo waliba kooxda.

Ramos ayaan ku faraxsanayn wixii uu sameeyay Madaxweyne Perez intii lagu jiray qolka Labiska kulankii ay Real Madrid 4/1 uga hadhay champions League.

Wargayska AS ayaa haatan sheegaya in ay jiraan kooxo dhawr ah oo haatanba heegan u galay xaalada Ramos waxana ugu horeeya kooxaha Man United iyo Liverpool kuwaas oo la kulmay wakiilka 33 jirkan.

Kooxda Juventus ayaa sidoo kale xiiso u muujisay xiddiga kadib markii ay xagaagii hore Real Madrid kala wareegeen xiddiga Cristiano Ronaldo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here