Lingard oo Sharaxay Qofka uu ugu Dabaal daga Goolkiisa Xalay ee Xulka England

Manchester United xidigeeda Jesse Lingard ayaa sharaxay goolka uu ka dhaliyay Xulka Andorra iyio Dabaal daga uu sameeyay Qofka uu u hibeeyay.

Weeraryahanka ayaa dhaliyay laba jeer kulankii ay 4-0 kaga badiyeen Three Lions isbuucaan isreebreebka Koobka Adduunka.

Intaa ka dib, Lingard ayaa la weydiiyay inuu sharaxo sida dabbaal-deggiisii ​​goolkii ugu horreeyay uu u ekaa dabaaldegii caanka ahaa ee “SIU” ee Cristiano Ronaldo .

Ronaldo ayaa dhawaan dhameystiray ku biiridiisii ​​Man United ee Juventus .

“Aniga iyo Mason [Mount] waxaan ka fikireynay dabaaldega toddobaadkan, sida iska cad waxaan isku qasnay ​​dabaaldeggayga iyo kan Cristiano waxaanan idhi waan samayn doonaa haddii aan gool dhaliyo,” ayuu Lingard u sheegay suxufiyiinta ciyaarta ka dib.

“Waa hadiyad yar oo soo dhaweyn u ah isaga.

Source: warkii.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here