Liiska Xidigaha loo joojiyay Ciyaartii Brazil iyo Argentin ee Garoonka laga kaxeestay

Ciyaarta u dhexeysa Brazil iyo Argentina ayaa la hakiyay ka dib markii madaxda caafimaadka Brazil ay joojiyeen ciyaarta.

Saraakiishu waxay kaxeysteen ciyaartooyda ka dib markii seddex xiddigood oo Premier league ah aysan dhammaystirin is -karantiil khasab ah markii ay soo galeen waddanka.

Emi Martinez, Cristian Romero iyo Giovani Lo Celso ayaa dhamaantood ku soo bilowday ciyaarta Argentina – in kasta oo lagu amray inay is go’doomiyaan sababo la xiriira Covid.

Saddexda xiddig – oo ay weheliyaan Emi Buendia – ayaa ka soo safray England si ay ugu ciyaaraan Argentina, laakiin UK ayaa ku jirta liiska casaanka Brazil.

Ciyaartoyda ayaa joojiyay inay dhammaystiraan muddo karantiil ah waxana lagu soo waramayaa inay been u sheegeen saraakiisha socdaalka halka ay joogeen.

Waxaa lagu amray inay isla markiiba is karantiilaan – laakiin saddex ka mid ah waxay qayb ka ahaayeen shaxda koowaad ee Lionel Scaloni ee wajahaya Brazil.

Source: warkii.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here