Liiska Shanta Macalin ee Barcelona u taagan si ay u Badalaan Ronald Koeman

Barcelona ayaa Kulankeeda ugu Danbeeyay lagu Qabtay bar-baro waxaana durba soo baxaya in Macalinka Kooxda uu ka tagayo ama laga ceyrindoono Shaqada.

Hadii Shaqada laga Ceyriyo durba waxaa soo Baxaya ku dhawaad Shan Macalin kuwaasi oo loo badinayo Shaqada Kooxda waxana Hormuud u ah Xavi.

Ma jiro is afgarad guddiga dhexdiisa ah oo u dhexeeya Xavi, Andrea Pirlo, Antonio Conte, Phillip Cocu iyo Joachim Low ku waasi oo shaqada aad loola Xiriirinayo.

Xavi waa halyeey naadi wuxuuna hadda maamulaa kooxda reer Qatar ee Al Sadd.

Inta badan waxaa lagu tilmaamaa inuu yahay tababaraha mustaqbalka ee Camp Nou , wuxuu indhaha ku qabtay Bariga Dhexe isagoo leh qaab ciyaareed ballaaran.

Macalimiinta kale ayaa Badankood shaqo la’an ah waxa ay ka Hayaameen Shaqooyinka Kooxaha ay hayeen kuwa mushahar ahaan uga tagay iyo kuwa la Ceyriyay

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: warkii.com