Liiska: 8 Kulan ee ku soo wajahan Man United oo go’aaminaya Mustaqbalka Ole Gunnar Solskjaer

Manchester United ayay iskugu beegmeen siddeed ciyaarood oo adag oo musalsal ah, kuwaas oo lagu tilmaamay kulamadii go’aamin lahaa mustaqbalka tababare Ole Gunnar Solskjaer ee inuu sii joogayo Old Trafford iyo in la caydhin doono.

Red Devils ayaa martigelin doonta labada kooxood ee ugu sarreeya miiska kala-sarraynta horyaalka Premier League, halka ay mari doonto laba kulan oo xidhiidh ah oo ka tirsan Champions League oo ‘qasab ku guuleyso’ ah, kuwaas oo mar horeba xumaddooda laga dareemayo Old Trafford.

United oo laga badiyey saddex ka mid  ah afartii ciyaarood ee ugu dambeeyey dhamaan tartamada, xilli horena macasalaamaysay Carabao Cup/EFL Cup ayaa  waxa saaran culays weyn oo ah inay natiijooyin wanaagsan keento iyo inay u dagaallanto tartamada oo dhan.

Arbacada ayay Manchester United garoonkeeda ku qaabbili doontaa Villarreal waxaanay u baahan tahay guul maadaama ciyaartii hore ay Young Boys kasoo badisay. Kaddib waxay isku diyaarin doonaan Everton oo ay toddobaadka soo aaddan ku kulmi doonaan horyaalka Premier League, iyagoo labadan kooxood hadda isku dhibco ah oo min 13 dhibcood haysta.

Liverpool, Tottenham iyo Manchester City ayaa iskugu xigi doona oo horyaalka Premier  League ay isku arki doonaan, sidaas ayaanay kusoo xidhmi doonaan siddeedda kulan ee adag.

Kulamada cadaabta ah ee Manchester United kusoo aaddan

1. September 29: Villarreal (Minan) – Champions League
2. October 2: Everton (Minan) – Premier League
3. October 16: Leicester City (Marti) – Premier League
4. October 20: Atalanta (Minan) – Champions League
5. October 24: Liverpool (Minan) – Premier League
6. October 30: Tottenham (Marti) – Premier League
7. November 11: Atalanta (Marti) – Champions League
8. November 6: Manchester  City (minan) – Premier League

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: warkii.com