Leeds United Oo Xiddig Muhiim Ah Ka Doonaysa Man United, Barca Oo Go’aan Cusub Ka Gaadhay Ansu Fati Iyo Wararkii Ugu Dambeeyey Suuqa

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Advertisements

Suuqa iibka ciyaartoyga ayaa si ramsi ah u furmi doona July 27, waxaanay kooxuhu si toos ah u bilaabi doonaan inay lasoo wareegaan ciyaartoyda ay danaynayaan, laakiin inta ka horreysa ayay iyaguna dhacayaan heshiisyo qaab qaddimaad ah ay kooxuhu usii samaynayaan, maadaama lasoo gabogabeeyey horyaalladii waaweynaa qaarkood sida Bundesliga iyo LaLiga.

Warbaahinta dunida ayaa si joogto ah usoo bandhiga xogta ugu dambaysa ee suuqa ee maalinlaha ah iyo dhaqdhaqaaqa naadiyadu sida hoose ee qarsoodiga ah u wadaan. Waxa kale oo ay soo gudbiyaan xanta aan xaqiiqadeeda la hubin iyo tuhunnada isku xidhiidhinaya ciyaartoyda iyo kooxaha qaarkood.

Sidii aad nooga barateen, waxa aanu si joogto ah idiinku soo gudbinaa xogta u dambaysa ee suuqa, hadal-haynta, xanta iyo xanta jirta intaba, waxaananu maanta oo Sabti ah idiin soo gudbinaynaa wararkii ugu dambeeyey ee ay qoreen wargeysyada Yurub:

Advertisements

Manchester United waxay doonaysaa inay lasoo saxeexato xiddiga reer France ee garabka weerarka uga ciyaara Bayern Munich ee Kingsley Coman oo 24 jir ah. (Athletic)

Napoli ayaa heshiis 60 milyan oo Euro ah la gaadhahy kooxda reer France ee Lille oo ay ka iibsanayso weeraryahanka reer Nigeria ee Victor Osimhen oo 21 jir ah. (Guardian)

Everton iyo Leeds United ayaa labaduba danaynaya goolhaye reer Argentine ee Man United ee Sergio Aguero oo agh 33 jir ka gadoodsan doorka uu Old Trafford ku leeyahay. (ESPN)

Barcelona ayay ka go’an tahay inay ku dhegsanaato laacibkeeda da’da yar ee Ansu Fati oo 17 jir ah, waxaanay ka saxeexaysaa heshiis cusub xilli ay caddaatay in Manchester United ay xiisaynayso da’yarkan. (Sport)

Kabtankii hore ee Tottenham ee Ledley King ayaa wada hadallo kula jira Jose Mourinho, si uu ugu soo biiro shaqaalaha tababarka. (Telegraph)

AS Roma ayaa muujisay tallaabo caddaynaysa inay sii haysanayso xiddiga ay amaahda kaga soo qaadatay Manchester United ee Chris Smalling oo 30 jir ah, waxaanu kusoo baxay xiddigaha ay daabacday funaanadahooda xili ciyaareedka dambe, xilli la filayo inay heshiis rasmi ah kula wareegto. (Corriere dello Sport)

Laakiin Manchester  United ayaa go’aan ku gaadhay in aanay cusboonaysiinin heshiiska amaahda ah ee Smalling uu kula joogo Roma iyo Heshiiska amaahda ah ee Alexis Sanchez ee Inter Milan labadaba, waxaanay doonaysaa in si buuxda ay uga iibsadaan. (Sky Sport)

Man United waxa kale oo ay la xidhiidhay Lille oo ay weydiisay qiimaha difaaca reer Brazil ee Gabriel Magalhaes oo 22 jir ah, laakiin waxa ku haysta Everton, Inter Milan iyo Napoli. (Daily Record)

Real Madrid ayaa rajaynaysa inay 180 milyan oo Euro xagaagan ka hesho ciyaartoyda kooxdeeda, waxaanay iibin doontaa  darsin ay ku jiraan Gareth Bale, James Rodrgiuez iyo Luka Jovic. (Marca)

Advertisements
Advertisements

Laacib.net

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII