“Waxaan Ku Idhaa AABO Isna Waxa Uu Igu Yidhaa……..” – Rodrygo Goes Oo Sheegay Xiddiga Real Madrid Ee Aabaha U Noqday & Sheekadooda Xiisaha Leh

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Advertisements

Da’yarka kooxda Real Madrid ee Rodrygo Goes ayaa shaaca ka qaaday inuu aabe ahaan ula dhaqmo khadka dhexe ee kooxdiisa ee Luka Modric xilli uu shaaca ka qaaday sheekada xiisaha leh ee sababtay inay heerkaas isu joogaan.

Rodrygo ayaa xilli ciyaareedkiisii koowaad ku qaadanaya Real Madrid isaga oo si weyn ugu soo raaxaystay kaddib kalsooni uu ka helay tababare Zinadine Zidane oo ciyaartoy waaweyn ka doorbiday.

Real Madrid's Rodrygo Reveals How Young His Dad Is - Luka Modric ...

Real Madrid's Rodrygo Reveals How Young His Dad Is - Luka Modric ...

Xiddigii hore ee kooxda Santos oo hadda ka sheekaynaya sababta uu Modric aabaha ugu noqday ayaa sheegay inuu Modric u sheegay in isaga aabihii yahay 35 sano jir taas oo ka dhigan inuu aabaha Rodrygo kaliya hal sano ka weyn yahay Modric oo 34 sano jir ah isla markaana 35-ka laba bilood uga hadheen.

Advertisements

Da’yarka ree Brazil ayaa daaha ka qaaday inuu Modric rumaysan waayay marka uu arrintaas ogaaday balse intaas kaddib uu u sheegay inuu wiilkiisa ahaan ula dhaqmi doono maadaama oo uu Aabe ugu aadi karayo.

Sida uu xusay Rodrygo Goes, intaas kaddib waxa uu Luka ugu yeedhaa erayga Aabo halka uu Modric 18 sano jirkan u yaqaano wiilkiisa.

“Markii uu ogaaday inuu aabahay 35 sano jir yahay, isagu muu aaminin” ayuu Rodrygo ka yidhi barnaamij barta -ka lagaga waraysanayay oo toos ahaa.

“Intaas kaddib waxa uu ii sheegay inaan ixtiraamo maadaama oo uu da’ ahaan ku filan yahay inuu aabahay noqdo, ilaa intaas kaddib waxa uu markasta iigu yeedhaa Wiilkeygii aniguna waxaan ugu wacaa Aabo”

Rodrygo ayaa u muuqda mid nolol riyo ah kaga jira wakhtigiisa Real Madrid maadaama oo uu sidoo kale kooxda la wadaago Eden Hazard oo uu sheegay inuu dhawr sano kahor ahaa sawirka saaran shaashada taleefankiisii wakhtigaas.

Advertisements
Advertisements

Laacib.net

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII