Layaabka Ciyaaro: Solskjaer ” Waxaan la Tacaaleynaa Buun-buuninta soo laabashada Ronaldo

Tababaraha Manchester United Ole Gunnar Solskjaer ayaa aaminsan inay la tacaalayaan buunbuuninta ku xeeran soo laabashada Cristiano Ronaldo .

Red Devils ayaa 4-1 ku garaacday Newcastle United isbuucaan markii ugu horeysay ee uu Ronaldo kasoo muuqday tan iyo markii uu dib ugu soo biiray kooxda.

Kooxda Solskjaer ayaa guuldarro 2-1 ah kala kulantay Champions League kooxda Young Boys Talaadadii, taasoo hoos u dhigtay xamaasaddii kooxda.

Markii la weydiiyay haddii ay arrimuhu xallinayeen imaatinka Ronaldo, Solskjaer ayaa u sheegay suxufiyiinta: “Waxaan u maleynayaa inay noloshu caadi tahay, waxaan la soo wareegnay ciyaaryahan wanaagsan. kaliya wuxuu la qabsaday shaqada mana jiro wax kale lakin anagu waxan la tacaaleynaa buun-buunintiisa.

“Waxay ahayd munaasabad weyn dabcan usbuucii la soo dhaafay Newcastle, xamaasadda dadkii badnaa waxaanan u maleeyay inaan si fiican wax u qabannay, waxaan maareynay xaaladda iyo dabcan Cristiano, sidoo kale, goolal ayuu dhaliyay.”

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: warkii.com