Layaabka Ciyaaro: Lix Ciyaartoy oo Real Madrid ka maqan kulanka Valencia

Carlo Ancelotti ayaa magacaabay liiska xiddigaha Valencia vs Real Madrid habeenka axada, iyadoo Los Blancos ay si sahlan u safri doonto iyadoo aysan heysan ciyaartoydeeda ugu sareysa.

Macalinka reer Talyaani ayaa heysta 22-cayaaryahan oo kulankaan u safan, ayaa waxaa ka maqan lix ciyaaryahan. Kuwa maqan waa Ferland Mendy, Marcelo, Toni Kroos, Dani Ceballos, Gareth Bale iyo Mariano.

Tababaraha ayaa sidoo kale shirkiisa jaraa’id ee ciyaarta ka hor ku sheegay in Eden Hazard uu la tacaalayay arrin yar oo jilibka ah.

22 -ka ciyaartoy ee u safraya Valencia kulanka ayaa kala ah Thibaut Courtois, Andriy Lunin, Toni Fuidias, Dani Carvajal, Eder Militao, David Alaba, Jesus Vallejo, Nacho, Miguel Gutierrez, Luka Modric, Marco Asensio, Casemiro, Fede Valverde, Lucas Vazquez, Isco, Eduardo Camavinga, Antonio Blanco, Eden Hazard, Karim Benzema, Luka Jovic, Vinicius iyo Rodrygo.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: warkii.com