Labo Kooxood oo loo badinayo ku guuleysiga Horyaalka Premier League-ga

waxaa soo dhamaaday kulamada Horyaalka ee Todobaadkan iyadoo kooxaha ugu waaweyn ay guulo gaareen marka laga reebo kooxda Man city oo bar-baro la kulantay.

Natiijoojinkaasi kadib labo kooxood ayaa wali loo saadaalinayaa in ay qaadayaan Horyaalka waan Chelsea iyo Manchester City.

Wariyaasha Skysports iyo warbaahinta kale ee uk ayaa u arka in Labadan kooxood ay leeyihiin awood isku dheeli tiran oo ku aadan hanashada Horyaalka.

Manchester United oo sanadkan xidigo muhiim ah lasoo wareegtay ayaa loo arkaa kuwa wali awood ahaan liita marka la eego natiijada kulankeeda ugu danbeeyay.

Liverpool oo hada hogaanka wax ka heysa ayaa sidoo kale loo arkaa kuwa aanan sanadkan qaadi karin horyaalka waa sida warbaahinta falanqeyntooda ku sameeyeen.

Ciyaaro.com ahaan afar kooxood ayaa u badan in midkood horyaalka qaadayaan oo kala ah Liverpool, Chelsea, Man United iyo Man City.

Adiga kooxdee kula tahay

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: warkii.com