Labo Kooxood Oo Isku Magaalo Ah Oo Loo Saadaaliyay Hanashada Koobabka Champions League Iyo Europa League

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Shirkadaha khamaarka ee Yurub ayaa u saadaalinaya labada kooxood ee Manchester ka dhisan inay ku guuleystaan koobabka Champions League iyo Europa League.

Ka dib markii maanta la soo saaray isku aadka kulamada ka haray xilli ciyaareedka Champions League, Manchester City iyo Bayern Munich ayaa ugu cadcad hanashada koobka halka kooxda deriskooda ah ee Manchester United ay ugu cadcadahay inay hanato koobka Europa League oo ay qaadeen sannadkii 2017.

Kaliya labo jeer ayay ku dhawaad 50 sannadood oo ay jiraan koobabka Champions League iyo Europa League ay kala qaadeen labo kooxood oo hal magaalo kawada dhisan.

Sannadkii 1994 AC Milan ayaa xasuuqday Barcelona iyagoo ku guuleystay Champions League isla sannadkaas kooxda ay isku magaalada yihiin ee Inter Milan ayaa ku guuleysatay UEFA Cup.

Sannadkii 2018 Real Madrid waxay Champions league ka qaaday Liverpool halka Atletico Madrid ay Europa League ka qaaday Marseille.

Saadaasha shirkadaha khamaarka Yurub ayaa ah in Manchester City ay ugu horeysay ku guuleysiga koobka Dhega Weyne iyadoo ay noqon doonto markii ugu horeysay ee ay koobka qaadaan taariikhdooda.

Man City ayaa 2-1 ku hogaamineysa Real Madrid ka hor lugta labaad ee wareega 16ka ee ka dhici doonta Etihad Stadium.

Man United ayay sidoo kale u saadaalinayaan hanashada koobka Europa League oo ay qaadeen 2017, Inter Milan ayaa ah kooxda labaad ee ugu cadcad hanashada koobkaan.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII