Laamaha Amniga Oo Goob Fagaare Ah Ku Burburiyay Qamri Badan

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Reading Time: < 1 minute

Ciidanka Booliska Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa howlgalo kala duwan ka sameeyay xaafaddo ka tirsan Magaaladaas, iyagoo kusoo qabtay Maandooriyaha Qamriga.

Taliyha Saldhiga Booliska Caabudwaaq Dhame Qalbi Axmed Cali ayaa sheegay in howlgalkan uu ahaa mid lagu xaqiijinayo Amniga Magaalada, isagoo xusay in Maandooriyaha Qamriga maalmihii ugu dambeeyay ku soo badanayay Magaalada.

Taliyaha qaybta Booliska ee Gobolka Gaashaanle Sare Maxamuud Dhagahoor ayaa amanay Ciidamada iyo Saraakiisha inay soo qabtay cid kasta oo qamri soo gelisa Caabudwaaq, kaasi oo uu tilmaamay in bulshada dhibaato u keeni karo.

Ciidanka Booliska ayaa goob faraago ah ku burburiyay dhalooyin badan oo qamri ah, kuwaasi oo ciidamada ay kusoo qabteen howlgal  laga sameeyay Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.

.fb_iframe_widget_fluid_desktop iframe {
width: 100% !important;
}

The post Laamaha Amniga Oo Goob Fagaare Ah Ku Burburiyay Qamri Badan appeared first on Muqdisho Online. Caasimada Muqdisho.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII