LA YAAB! Mid Ka Mid Ah Garoomada Ugu Caansanaa Kubada Cagta Yurub Oo Maqaaxi Isku Bedelay (Daawo Sawirada)

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Taageerayaasha ayaa ugu danbeyn fariisan kara islamarkaana ku riyaaqi kara garoonka kooxda Ajax, laakiin ma ahan inay daawanayaan kubada cagta balse inay ku cunteeyaan garoonka dhexdiisa.

Taageerayaasha ayaa ka cunteyn kara maqaaxi laga dhex sameeyay garoonka Ajax ee lagu magacaabo Johan Cruyff Arena iyadoo miisaskii cuntada la soo dhex galay goobtii kubada lagu ciyaarayay.

Maqaaxida oo lagu magacaabo Langs de Lijn ayaa ganacsi loo furay Arbacadii iyadoo dadka doonaya inay ka cunteeyaan ay helayaan cunto ay diyaariyeen cuno kariyayaasha ugu caansan dunida.

Dadka macaamiisha ah ayaa helaya khibrad buuxda iyagoo sidoo kale booqan kara qolka labiska ee garoonka taasoo qeyb ka ah soo dhaweynta ay sameyneyso kooxda.

Ajax fans can eat their dinner at the side of the pitch in the stadium

Ajax fans can eat their dinner at the side of the pitch in the stadium

Qiimaha aad ku geli karto wuxuu u dhaxeeyaa 50 ilaa 100 ginni haddii aad dooneyso inaad ku dhex cunteyso cawska garoonka Ajax.

Taageerayaasha kooxda Ajax ayaa ka murugooday markii xilli ciyaareedka Netherlands la kansalay sababo la xiriira caabuqa Korona.

Kooxda Ajax ayaa hogaanka u heysay horyaalka Eredivisie laakiin waa laga diiday inay horyaalka hantaan.

A pop-up restaurant is serving guests on the hallowed turf

A pop-up restaurant is serving guests on the hallowed turf

Xilli ciyaareedka la soo gabagabeeyay iyadoo aan la dhameystirin sidaasi darteed ma jiraan kooxo u soo dalacay horyaalka ama kooxo u laabtay heerka labaad, iyadoo Ajax ay kaliya farqiga goolasha hogaanka kaga heysay kooxda AZ Alkmaar iyadoo sagaal kulan ay harsan tahay.

Ra’isal wasaaraha Netherlands, Mark Rutte ayaa mamnuucay kubada cagta ilaa iyo bisha September iyadoo Korona Fayras uu saameyn weyn yeeshay.

Kooxda ayaa weli heli doonta soo bixitaanka ugu sareeya ee Champions League inkastoo aysan qaadin koobka horyaalka.

Fans have gone from watching fine football to fine dining in Holland

Fans have gone from watching fine football to fine dining in Holland

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII