La Xaqiijiyay: UEFA oo ku dhawaaqay Afarta Laacib ee u tartamaya Xidiga Toddobaadka Ee Champions League

Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay liiska xiddigaha ku loolami doona ciyaaryahankii ugu wanaagsanaa UEFA Champions League toddobaadkan oo ahaa Usbuucii furitaanka heerka Group-yada.

Toddobaadkan koowaad ayay durba kooxaha oo dhammi heleen qiyaasta heerka ay joogaan iyaga oo sidoo kale arkay halka ay taagan yihiin kooxaha ay Group-ka wadaagayaan.

Afarta xiddig ee UEFA u dooratay kuwa xiddiga toddobaadka ku tartami doona Usbuucan ayaa kala ah Robert Lewandowski, Christopher Nkuku, Sebastian Haller iyo Jude Bellingham.

Aan ku bilawnee Lewy ayaa habeen hore kala dhantaalay kooxda Barcelona isaga oo laba gool u dhaliyay kooxdiisa Bayern Munich oo guul 3-0 ah kala soo laabatay Camp Nou.

Dhinaciisa Jude Bellingham ayaa xalay gool iyo caawin ku kala dhantaalay Besiktas xilli uu kasoo caawiyay in Borussia Dotrmund ay saddexda dhibcood kala timaado dalka Turkey-ga.

Nkuku ayaa isaguna dhinaciisa saddexley kasoo dhaliyay Manchester City walow kooxdiisa RB Leipzig ay guuldarro 6-3 ah kala soo laabatay Etihad Stadium oo ay marti ku ahayd.

Ugu dambayn, Haller oo kulankiisii ugu horreeyay Champions League ciyaaray ayaa ku jira.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: warkii.com