LA OGAADAY: Siriqda Xukuumada Ee Galmudug & Naqshadii Hore Oo la Badelay

Sida indhaha ugu sii jeedaan Arimaha Doorashada Galmudug waxaa aad xiiso iyo xamaaso usii yeelaya dad wada dashay isku deegaana ah inay isku arkaan cadow.

Siyaasadu waa mid aad u xun marka la eego Qaraabada is ficlaya ee hadhoow xitaa Salaanta iska qaadeynin inta ay socoto Ololaha iyo Rabitaanka qofka ay wataan.

Hadaba Xukuumada Soomaaliya ayaa lasoo sheegayaa inay badeshay Naqshadeedii Doorashada Galmudug iyo Xubnaha ay wadato.

Tusaale ahaan,Kursiga Xildhibaankii Beesha Waceysle Lafta Cali Gaaf oo muranka badan lahaa Ayuu Kheyre fasaxay kadib is hortaag uu ku sameeyey.

Waxa ugu weyn Ee Xildhibaankaasi C/risaaq Aadan Cusmaan loo hordhigayey taakada waa inuu isaga haro Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug uu utartamo.

Balse Xukuumada ayaa u aragtay Fursad in C/llaahi Axmed Calasoow (Shiine) oo ay isku deegaan kasoo galeen Baarlmaanka Galmudug Ninkaasi isna la sharaxo.

Shiine ayaa saacado ka hor ku dhawaaqay inuu Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug utaagan yahay si hadhoow haduu codad helo ugu shubo Murashaxa Xukuumada wadato Ee Maxamed Nuur Gacal.

Siyaasada socota waa mid yaan lagaa xaniinyo badin ah,Dhuuso mareeb waxaa la geliyey Lacagtii ugu badneyd,Xildhibaanada ayaana codadkooda lagu kala iibsanayaa.

Xukuumada Kheyre Hogaamiyo waxay bilowday xod xodasho tii ugu dambeysay ee ay la yeelaneyso Xildhibaanada taas oo badankood ka hor inta aan lasoo bandhigin ay heshiis lasoo gashay.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here